Maxay tahay halista ka taagan Somaliland ee laga deyrinayo?

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa walaac xoogan ka muujisay Maandooriyaha oo toddobaadyadii u dambeeyay si weyn ugu soo qul-qulayey deegaanadeeda, kaasi oo faro-baas ku haya Somaliland.

Halista Maandooriyaha oo ay xukuumaddu si adag uga digtay, ayaa haddana waxaa soo badanaya kiisaska la xiriira ee ay ciidamadu soo bandhigayaan, waxaana 48 saac ee u dambeeyay la qabaty 805 Litir oo khamri ah iyo baabuurtii ay saarnayeen

Taliye ka tirsan Booliiska Somaliland oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa shaaciyey in ay inta badan gacanta kusoo dhigeen dadkii ka dambeeyay khamriga lasoo geliyay gudaha Somaliland.

“Waxaa soo qabanay khamri tiradiisu ay dhan tahay 28 kartoon oo kartoonkiiba ay ku jirto 24 litir oo khamri ah, oo noqoneysa 672 litir, waxaanu ku qabanay gaadhiga number-kiisu yahay 35352 oo Calawi ah, waxa kale oo aanu qabanay 133 litir oo khamri ah oo saarnaa gaadhi Crown ah, number kiisuna yahay 47788,” ayuu yiri.

“Gaadhiga hore ee 133 saarnayeen waanu ku qabanay eedaysanayashii, gaadhiga Calawiga ah iyo 672 litir waa na looga cararay, halkan dooxa ayaanu ku qabanay 4:30 am ayay ahayd, saldhiga ayuuna yaalla, waanu aqoonsanay eedaysanayaashii waana ku daba jirnaa.”

Sidoo kale waxa uu sheegay inay qabteen qaar ka mid ah eedaysanayaasha loo haysto in ay Somaliland u soo dhoofiyeen khamrigaas, islamarkaana ay ku daba jiraan kuwo baxsad ah.

Maandooriyaha noocyadiisa kala duwan ayaa inta badan sifo sharci darro ah lagu soo galiya deegaanada Somaliland, ayada oo toddobaadyadii u dambeeyay laga deyrinaya halistooda, xili ay dagaal adag kula jiraan ciidamada booliska Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa kal hore shaacisay in xabsiga u taxaabtay muddo kooban gudaheed dad ka badan kun iyo boqol qof, kuwaasi oo loo xiray eedeymo la xiriira ka ganacsiga noocyada kala duwan ee Maandooriyaha.