Dowlada oo soo bandhigtay sarkaal tirsan Al-Shabaab

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug kusoo bandhigay sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaas oo isku soo dhiibay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sarkaalka isa soo dhiibay oo la shaaciyey xogtiisa iyo sawirkiisaba ayaa waxaa ay warbaahinta qaranka magaciisa ku sheegtay Cali Ibraahim, wuxuuna isku soo dhiibay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ee ku sugan duleedka Dhuusamareeb.

Sidoo kale warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in Cali Ibraahim uu kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka caafimaadka, isla-markaana uu ka yimid dhinaca degmada Ceelbuur.

Saraakiil ka tirsan dowladda oo ka hadlay arinta sarkaalkan ayaa shaaciyey in si wanaagsan loogu soo dhoweeyey deegaan hoostaga caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Dhankiisa Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa xusay inuu ku qanci waayey dhibaato uu sheegay inay Al-Shabaab ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Cali Ibraahim ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday, maadaama uu yahay qof aqoonyahan ah inuu doonayo in si iskiis ah uuisaga shaqeysto, si uu u sameysto nolol gaar ah.

Ciidamada Gorgor ayaa weli gacanta ku haya sarkaalkan, mana cadda in loo soo gudbin doono dhinaca magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Si kastaba muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta Galmudug ayaa howl-gallo culus ka wadan gobollada Galgaduud iyo Mudug.