Ciidanka Mareykanka oo ka wada baxay Afghanistan – Maxaa kadib dhacay xalay?

Kabul (Caasimada Online) – Militariga Mareykanka ayaa si rasmi ah usoo geba-gebeeyey ka bixitaankooda dalka Afghanistan, ayaga oo soo afjaray 20 sano oo dagaal qaraar ah.

Rasaas dabaal deg ah ayaa hawada sare loo ridayey Afghanistan saacadaha hore ee Talaadada, waxaana hogaamiyayaasha Taalibaan ay ku qeexeen daqiiqad taariikhi ah. 

Bixitaanka ciidamada Mareykanka ayaa yimid kadib maalmo xasaasi ah oo ay wadeen howlgal ay dadlaas uga daad-gureynayeen kumanaan qof oo isugu jira shacab Mareykan iyo Afgaaniyiin caawiyey ciidanka Mareykanka. 

Dagaalka Afghanistan ayaa Mareykanka looga dilay 2,400 oo askari, oo ay ugu dambeeyeen 13 dhintay toddobaadkii tegay, ayada oo lacag ka badan hal trillion oo dollar ay uga baxday.

“Waxaan halkan uga dhawaaqayaa soo geba-gebeynta ka bixitaankeena Afghanistan, iyo dhammaadka howlgalka lagu soo daad-gureynayey muwaadiniinta Mareykanka,” waxaa sidaas yiri Jeneral Kenneth oo Isniintii weriyayaasha kula hadlay Washington.

Duulimaadkii ugu dambeeyey ee siday ciidamada Mareykanka ayaa Kabul ka baxay 11:29pm, waxyar un kahor inta aanay la gelin Talaado, oo ah maalinka Mareykanka uu qabsaday inuu ugu dambeyn ka baxayo dalkaas. 

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay inuu khudbad u jeedin doono shacabka Mareykanka, Talaadada. 

Afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa yiri “Afghanistan waxay heshay madax-banaani buuxda,” halka Anas Haqqani oo ah hoggaamiye sare oo ka tirsan Taalibaan uu yiri “waxaan ku faraxsanahay inaan arko daqiiqaddan taariikhiga ah.”