DF oo awood dheeraad ah siisay ciidan ku sugan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa awood dheeraad ah siisay ciidamada ka howl-gala bar-kontaroolada laga ilaaliyo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Taliska Booliska oo fulinaya amar kasoo baxay madaxda sare ee dalka, ayaa waxa lagu faray ciidamada ku sugan bar-kontorooladaasi in ay awood u leeyihiin baarista gaari kasta oo kasoo gudbaya.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in madaxda wata ilaalada iyo gaadiidka gaashaman ay tahay inay u hogaansamaan awaamiirta ciidamadaas, islamarkaana ay ku gacan siiyaan gudashada waajibaadkooda shaqo.

“Ciidamada amaanka ee ku sugan chek waxay ku amran yihiin faritaano cadna u haystaan inay hubiyeen gaadiid kasta oo soo galaya Checkpoint-ga si loo hubiyo amniga iyo xasiloonida umadda Soomaaliyeed, maadama waajibka dowladda ay ilaalineyso ay tahay,” ayuu yiri.

“Ciidankaas faritaanada noocaas haysta ayaa waxa dhacda in dad wata gaadiid iyo ciidan ay mararka qaar isku-dayaan si xoog ah ku jiiraan kontoroolada, sidaas daraadeed waxaan uga digeyna dadka wata ciidamada waxay doonaan ha ahaadeen meesha ay doonaan ha ka shaqeeyaan in ay u dhago nuglaadan ciidamada jooga baraha hubinta gaadiidka.”

Ciidamada NISA ayaa bishii hore la geeyey dhammaan kontoroolada magaalada Muqdisho, ayaga oo beddelay booliska kadib markii booliska ay noqdeen kuwa musuq-maasuq badan, oo la iibsan karo, taasi oo halis gelisay amniga caasimadda.

Awooda dheeraadka ah ee la siiyay ciidamada ku sugan bar-kontoraalada magaalada Muqdisho ayaa looga dan leeyahay si wax looga qabto amni darada caasimada, maadama ay jiraan tuhuno la xiriira in saraakiil ka tirsan dowlada ay argagixisada ku gacan siiyaan falalka amni darro, gaar ahaan soo gelinta qaraxyada.

Laba maalin ka hor unbay aheyd markii sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo wata ciidamo iyo hub uu isku-dayay in uu xoog ku maro bar-kontarool oo ku yaalla isgoyska Siinaay, taasi oo dhalisay iska hor-imaad u dhaxeeyay ciidamadii halkaasi ku sugan iyo maleeshiyaadka hubeysan ee la socday sarkaalka.