Al-Shabaab oo weerar culus xalay ku qaaday xero ciidan oo ku taalla MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qorsheysan oo ay xalay xubno ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen xerada Guulwade oo ku taalla xaafadda Shiirkoole ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Weerarkan oo loo adeegsaday bam-gacmeed ayaa waxaa qaaday rag hubeysan, kuwaas oo dhowr bam ku tuuray gudaha xeradaasi, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale weerar kadib ayaa waxaa xigay is rasaaseyn u dhexeysay labada dhinac, mana cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee weerarka qaaday inay goobta isaga baxsadeen, kadib falkaasi.

“Illaa rubi saac wax ka badan ayey rasaasta socotay. Qalqal iyo walaac ayaa jiro waxaad arkeysaa ganacsi dadkii lahaa ay ka carareen oo cidlo ah,” ayuu yiri qof goobjooge ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada ku sugnaa xerada la weeraray ay jawaab bixiyeen, kadibna ay howlgallo kooban ka sameeyeen halkaasi.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkan, mana cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah u socda dhaq-dhaqaaqa ganacsiga iyo sidoo kale gaadiidka.

Si kastaba, weerarkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee ka dhacaya magaalada Muqdisho oo ay haatan culeys xoogan soo saartay kooxda Al-Shabaab.