DF oo Axmed Madoobe ku celisay guddiga doorashada, kana hor-timid laba arrin

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegayaa in dib loogu celiyay maamulka Jubaland 8-da xubnood ee guddiga doorashooyinka heer dowlad gobaleed, kadib markii la sheegay in Villa Somalia dacwad uga gudbisay beesha caalamka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dalbatay in guddiga oo ay ku jirto hal gabar, lagu soo daro laba gabdhood oo kale si loofuliyo heshiiskii lagu gaaray Muqdisho ee doorashooyinka.

Dhanka kale, Villa Somalia ayaa dalbatay in la badalo guddoomiyihii guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha ee Jubaland Xamza Cabdi Barre oo qeyb ka ah guddiga cusub ee Jubaland u soo dirsadeen doorashooyinka heer maamul gobaleed.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Villa Somalia ay xubintaan ka qabto walaac badan islamarkaana uu hadda ka hor maamulay doorashadii Jubaland iyadoo ay daba taagneyd Villa Somalia.

Xubnaha beesha Caalamka ayaa Villa Somalia ku taageeray in la ilaaliyo qoondada dumarka balse waxaa laga diiday dooda ku saabsan halka qof ee guddiga jira oo lagu magacaabo Xamza Cabdi Barre.

Dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ayaa ku heshiiyey in Guddiga Maamulka Doorashada ee heer dowlad goboleed uu ka kooban yahay 11 xubnood, kuwaas oo sideed (8) ka mid ah ay soo magacaabi doonto dowlad goboleedka, halka ay Dawladda Federaalku soo magaacabayso min seddex (3) xubnood guddi walba oo ah heer goboleed.

Waxaa la filayaa in Madaxweyne Axmed Madoobe uu dib ugu laabto magacaabista guddigaan islamarkaana uu soo dhameystiro qoondada dumarka, dibna usoo magacaabo maalmaha soo socda.

Guddiyada Jubalanad iyo Puntland ayaa ah kuwa kaliya ee haray, ayada oo Puntland aysanba weli soo gudbin xubnaheeda, lagana filayo maalmaha soo socda.