Sawiro: Muxuu yahay ujeedka wafdiga Kenya ee Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi sare oo ka socda dowladda dalka Kenya ayaa saacadihii la soo dhaafay soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wafdigan ayaa waxaa horkacaya xoghayaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya Amb. Macharia Kamau, iyada oo booqashadoodu qaadaneyso hal cisho.

Wararka ayaa sheegaya in wafdigan ka socda Kenya ay kulan la qaateen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo uu ugu horreeyo xoghayaha joogtada wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Maxamed Cali Nuur Xaaji.

Ilo ku dhow kulankaasi ayaa Caasimada Online u sheegay in labada dhinac ay ka wada-hadleen sidii loo hagaajin lahaa xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen arrimo ku aadan iskaashiga labo geesoodka iyo sidii dib loogu bilaabi lahaa qaadka ay Kenya keeni jirtay gudaha Soomaaliya, kaas oo la hakiyey wixii ka dambeeyey, tan iyo markii uu dilaacay cudurka faafa ee Coronavirus.

Socdaalkan wuxuu sidoo kale ku soo aadaya, xilli dhowaan ganacsatada qaadka Kenya ay dowladdooda ka dalbadeen in dib loogu furo xuduudka iyo qaadka Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa sanadihii u dambeeyey wuxuu xiriirkoodu ahaa mid hooseeya, kaas oo ka dhashay kiiska Badda ee hor yaalla maxkamadda ICJ.