ITOOBIYA oo sheegtay inay ciidamo SOOMAALI ah ku qabatay dagaalka Tigray-ga

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa guullo waa weyn ka sheegatay dagaallada ka socda gobolka Tigray-ga oo ku yaalla waqooyiga dalkaasi.

Taliye ku xigeenka ciidamada federaalka Itoobiya Janeraal Birhanu Jula oo sidoo kale ah madaxa howl-gallada ciidamada gaashaandhiga wadankaasi ayaa warbaahinta u sheegay inay ciidamada TPLF kala wareegeen deegaano ku yaalla Tigray-ga.

Janeraal Birhanu Jula ayaa carab baabay deegaanada ay qabsadeen, kuwaas oo ay ka mid yihiin Dhanshan, Barkan iyo Shiraaro.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada Itoobiya dagaallada ka socda gobolka Tigray-ga ay ku qabteen ciidamada Soomaali ah oo ka tirsan kuwa Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida iyo maleeshiyaad kale, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxa howl-gallada ciidamada gaashaandhiga Itoobiya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay burburiyeen hub culus oo keyd u ahaa ciidamada TPLF.

Xaaladda gobolka Tigray-ga ayaa weli aad u qasan, waxaana ciidamada Itoobiya ay bilaabeen duqeymo dhanka cirka ah, kadib amar ka soo baxay ra’iisul wasaare Abiy.

Itoobiya ayaa haatan wajaheysa xaalad adag, iyada oo shalay baarlamaanka dalkaasi uu meel-mariyey in dowladda ay fara-geliso xiisada ka taagan gobolka Tigray-ga