Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay wararka sheegaya in booqashooyinkii dhowaan ay Muqdisho ku yimaadeen wafdiyo ka kala socday Sudan iyo Imaaraadka Carabta ay xiriir la lahaayeen, iyadoo meesha ka saartay sheegashooyin lagu baahiyey baraha bulshada oo ku xirayey colaadda sokeeye ee Sudan.
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, oo ah hay’adda warbaahinta dowladda, ayaa sheegtay in wararka ku faafay baraha bulshada ay ahaayeen “kuwa la soo dhoodhoobay” isla markaana si khaldan loo fasiray ujeeddada safarka wafdiga Imaaraadka.
“Saacadahii ugu dambeeyey waxaa baraha bulshada ku faafay warar been abuur ah oo si khaldan ula xiriirinayey booqashadan imaatinka wafdi kale oo caalami ah,” ayaa lagu yiri warbixin ka soo baxday SONNA.
Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ayaa carrabka ku adkeeyay in booqashada Imaaraadku ay ahayd mid la qorsheeyay toddobaadyo ka hor, isla markaana si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta xiriirka labada dal. Wafdiga oo uu hoggaaminayey Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Sheikh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan ayaa August 27 kulan kula yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud magaalada Muqdisho.
Intii kulanka socday, Sheikh Shakhboot wuxuu gudbiyey fariin khaas ah oo uu ka waday madaxweynaha Imaaraadka Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, taasoo mar kale lagu xaqiijiyey go’aanka Abu Dhabi ee ah in la sii qoto dheereeyo xiriirka labada dhinac.
Wadahadallada labada dhinac ayaa inta badan ku salaysnaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga.
Safarka wafdiga Imaaraadka wuxuu ku soo beegmay kadib booqasho uu Muqdisho ku yimid wafdi Sudan ka socday oo uu hoggaaminayey Janaraal Axmed Ibraahim Cali Mufaddal, agaasimaha guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka ee Sudan.
Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in Mufaddal uu gudbiyey fariin uu ka waday Guddoomiyaha Golaha KMG ah ee Kacaanka Sudan Gen. Abdel Fattah al-Burhan, taasoo lagu xaqiijiyey sida Khartoum uga go’an in ay ballaariso iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya. Faahfaahinta fariintaas si rasmi ah looma shaacin.
Isku soo beeganka waqtiga labada booqasho ayaa dhaliyey tuhun, maadaama Sudan ay hore ugu eedaysay Imaaraadka in ay taageero siyaasadeed, dhaqaale iyo mid ciidan siiyeen kooxda ciidamada gurmadka deg degga ah ee RSF oo dagaal kula jira ciidamada rasmiga ah ee dalkaas. Sudan waxay horraantii sanadkan xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Imaaraadka, iyagoo ku eedeeyay taageero soo noqnoqotay oo ay siiyeen RSF.
Imaaraadka ayaa beeniyey eedeymahaas. Sannadkii 2023, Sudan waxay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (International Court of Justice) ka dacweysay Abu Dhabi, iyagoo ku eedeeyay ka qaybgal “xasuuq.” Garsoorayaashu ayaa ugu gacan sayray dacwada cod 14–2 ah, kadib markii la ogaaday in Imaaraadku uu ka baxay Qodobka 9-aad ee Heshiiska Xasuuqa (Genocide Convention), kaas oo dhigaya in dalalka lagu dacweyn karo kiisas ku saabsan xasuuq.
Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ayaa mar kale adkeeyay in labada booqasho aysan wax xiriir ah lahayn.

