DF oo cadeysay Mowqifkeeda ku aadan duulaanka uu Turkiga ku qaaday Kurdiyiinta Syria

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa shaaca ka qaaday mowqifkeeda ku aadan duulaanka ay dowlada Turkiga ka waddo gudaha dalka Siiriya gaar ahaan gobolka Afrin.

Dowlada Somalia ayaa sheegtay inay ku garab tahay dowlada Turkiga oo iska difaaceysa Kooxaaha daandaansiga ku haya ee Saldhigyada ku leh gobolka Afrin.

Wasiirka Arrimaha Dibbada Somalia Axmed Ciise Cawad ayaa u sheegay wakaalada wararka Anadolu ee dalka Turkiga in Somalia ay taageersan tahay si walba oo ay suurtagal u tahay in looga hortago qataraha kusoo wajahan dal weynaha Turkiga.

Wasiir Cadaw, waxa uu tilmaamay in dowladda Somalia ay si buuxda u taageersan tahay howlgalka ka dhanka ah Kooxaha Kurdiyiinta Suuriya, waxa uuna sheegay inay sii kordhin doonaan taageeradooda.

Nuqul kamida hadalka Wasiir Cadow ee taageerada Turkiga ayaa ahaa “Turkigu waxa ay xaq u leeyihiin inay is difaacaan, waxaan la hadlay Wasiirka Arrimaha Dibbada Turkiga Mevlut Cavusoglu una cadeeyay taageerada Somalia ay u hayso howlgalada ka dhanka ah Kurdiyiinta”

Waxa uu intaa ku daray hadalkiisa “Waxaan taageersanahay howlgalada Milatari ee ay ciidamada Turkiga ka wadaan Afrin dowlada Soomaaliya waxay garab taagan tahay dowladda Turkiga”

Haddalka Wasiir Cadow ee lagu qeexaayay Mowqifka Somalia ee Dagaalka Kurdiyiinta, ayaa kusoo beegmaaya xili Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu sheegay in dagaalka ka dhanka ah kurdiyiinta waqooyiga Ciraaq ay sii xoojin doonaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com