DF oo sheegtay in hantida Somalida u taal caalamka ay qarka u saaran tahay..

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka ammuuraha dibedda iyo dhiirigalinta maalgashiga xukuumadda Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aaney dhaqaale u heynin dayactirka safaarado badan oo Soomaalida ugu yaalla waddamada caalamka.

Wasiirka ayaa sheegay dadka Soomaalida gaar ahaan kuwa hantida heesta ka codsaday in la badbaadiyo hantidaas qaran haddii kala laga iibin doono duul kale sidda uu hadalka u dhigay.

Wasiirka oo ka hadlaayay xaaladda ay ku sugan yihiin safaaradaha Soomaalida ay ku lee yihiin caalamka ayaa sheegay in qaarkood la iibiyay markii loo dul qaadan waayay burburkooda qaar kalena ay noqdeen kuwa bahalaha ay ku hoydaan.

“Waxaan tagay Faransiiska oo dhismooyin waaweyn aan ku lee nahay , waxaana mid ka mid ah uu ku yaallaa Paris oo waa burbursan yahay oo shimbiraha ayaa hoyda’” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya aaney heysan dhaqaale ku filan oo ay ku daboosho dhismooyinka safaaraddaha burbursan.

Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in safaaradaha ku yaalla Washington DC, iyo New York ay qarka u saaran yihiin in la iibiyo.

Sidoo kale waxaa burbursan ayuu yiri dhismooyinka safaaradda Soomaalida ee Talyaaniga.

“Dadka Soomaalida ee hantida heesta waxaan ka codsaneynaa in gacan ka geestaan dhismaha qarankaas burbursan waayo waa hanta qof kasta uu lee yahay,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa sidoo kale soo dhaweeyay go’aanka golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya ay ku gaareen in baasaboorka Diplomaasiga la hoos keeno wasaaradda arrimaha dibedda.

Wuxuu kaloo dadka aan loogu talgalin baasaboorkaas ee heesta ka codsaday in ay soo gudbiyaan oo ay ku soo wareejiyaan wasaaradda isla markaana ay qaataan baasaboorka caaddiga ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com