Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo loo magacaabay safiirka Somalia ee USA

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Somalia ayaa Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke u magacowday inuu noqdo danjiraha Somalia ee dalka Mareykanka, iyadoo Mareykanku uu soo dhaweeyay magacaabiddiisa.

Safiirka cusub ee Soomaaliya u fariisanaya dalka Mareykanka ayaa maanta oo Jimco ah lagu wadaa inuu magaalada Washington kula kulmo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry, halka maalinta Isniinta ah ee soo socotana uu la kulmi doono madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.

Kulanka madaxweynaha Mareykanka iyo danjiraha Somalia ee Mareykanka ayaa ka dhici doona Aqalka Cad, iyadoo kulanka ay kala qaybgeli doonto xaaskiisa.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke
Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke

Waa markii ugu horreysay oo dowladda Soomaaliya ay danjire rasmi ah u magacowdo dalka Mareyanka muddo laga joogo 25-sano, waxayna kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan dowladda Mareykanka ay dhankeeda sheegtay inay danjire rasmi ah u soo magacaabi doonto Soomaaliya.

Dajiraha Mareykanku u soo magacaabayo Somalia ayaa wuxuu ka howlgeli doonaan Muqdisho, iyadoo tallabooyinka ay Mareykanka iyo Soomaliya isku dhaafsanayaan danjirayaasha ay muujinayso in xiriirka u dhexeeya labada dal uu sii adkaanayo, iyadoo la xusuusto in Mareykanka uu ahaa dowladdii ugu horreysay oo dowladda federaalka Somalia u aqoosanta dowlad buuxda.

Inkstoo dowladda Soomaaliya aysan ka hadlin weli magacaabidda danjiraha cusub ee u fariisan doona Mareykanka, Cumar C/rashiid ayaa haddana HOL waxaa u xaqiijiyay warkan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Tallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli la filayo in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu kaga qaybgalo dalka Mareykanka bisha soo socota ee Ogoosto shirka madaxda Afrika iyo Mareykanka oo ka dhici doona magaalada Washington.

Mareykanka oo dhawaan shaaciyay inay ciidammo kaga sugan yihiin gudaha Soomaaliya ayaa horay u sheegay inay ka go’an tahay inay Soomaaliya ka gacan siiyaan soo celinta ammaanka iyo kala-dambeynta.

Danjire Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa soo noqday ra’iisul wasaarihii dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya, isagoo xilka uga dagay khilaaf soo dhexgalay isaga iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ahaa madaxweynihii dowladdii uu ra’iisul wasaaraha ka ahaa.

Xigasho: HOL