Maamulka Ximin iyo Xeeb oo xaalad deg deg ah ku dhowaaqay, Sabab?

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Cadaado ee xarunta maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa sheegaya in maamulkaas uu heegan galiyay ciidamada iyadoona laga cabsi qabo khalkhal xagga ammaanka in ay ka dhacaan deegannada hoosta maamlkaas.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Ximin iyo Xeeb Cabdi Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ka hortagi doonaan cid kasta oo isku dayda in ay ammaanka deegannada ay ka arrimiyaan isku dayda in ay khalkhal galiso.

Wuxuu sheegay oo kale in dhawaan Cadaado uu ku furmi doono shirweyne looga hadlaayo dhismaha dowlad gobaleed ay dhistaan gobalada dhexe ee dalka.

Wuxuu sheegay oo kale in ay ogyihiin shakhsiyaad doonaya in ay khalkhal galiyaan ammaanka deegannada hoosta maamulka Ximin iyo Xeeb.

Ugu dambeyn madaxweyne ku-xigeenka maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa amar siiyay ciidamada in ay ka hortagaan falalka ammaanka khalkhalka lagu galinaayo.

Si kastaba waxaa tan iyo markii ay soo baxeyn xaaladda degdega ee lagu soo rogay deegannada uu maamulo Ximin iyo Xeeb la arkayay ciidamo badan oo lagu daadiyay magaalada xarunta u ah maamulkaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com