Dilalka aargoosiga ah ee Beledweyne

Beledweyne(Caasimada Online)-Wararka aan ka helayno magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dil loo geystay wiil dhalin yaro ah oo ku sugnaa bartamaha magaalada Beledweyne.

Wiilka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdi Fataax Shigshigow ayaa wuxuu ku sugnaa xiligii la dilayay Xaafada Xaawo Taako ee magaalada Beledweyne halkaasi oo ay ayeeyadiis ay ku nooleyd.

Wararka ayaa sheegaya  in sababta dilka ka dambeysay ay tahay in wiil horay uu toorey ugu dhiftay Shigshigow uu ka dambeeyay dilka wiilka dhalinyarada kaasi oo ka aarsanayay.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo lagu magacaabo Saciid Axmed ayaa ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen.

“ Shigshigow ayeeyadiis ayuu kasoo laabtay, laakiin ninkaan dilaya horay ayuu toorey ugu dhiftay Shigshigow, sidaas ayuuna aargoosi ahaan ugu dilay isagoo cabsan”.sidaasi ayuu yiri Mr Saciid.

Ciidamo badan oo tirsan maamulka degmada Beledweyne ayaa la sheegay in markii dambe ay gacanta ku dhigeen shaqsigii dilka ka dambeeyay.

“Waa la qabtay ninka dilka geystay sababtoo ah moobeyl ka lumay ayuu usoo laabtay kadibna ciidamada oo ku mashquulsanaa meydka wiilka la dilay ayaa qabtay”sidaasi ayuu yiri Mr Saciid Axmed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hiiraan

Caasimada@live.com