Warar kusoo kordhay kiiska dowladda Kenya iyo SOOMAALIDA waddankaas

Nairobi (Caasimada Online) – Soomaalida qaxootiga ah ee ku nool magaalooyinka dalka Kenya ayaaa racfaan ka qaadanaysa go’aan ay soo saartay maxkamadda sare ee Kenya oo ku khasbaya in ay isugu tagaan xeryaha qaxootiga, sida ay sheegtay hay’adda caalamiga ah ee u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International oo soo xiganaysa shakhsiyaad Soomaali ah.

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa go’aanka soo saaratay 30-kii June ee sannadkan, kaas oo ay ka soo horjeedaan dadka Soomaalida ah.

Guddoomiyaha Soomaalida ku nool xaafadda ay Soomaalidu aadka u deggantahay ee Eastleigh, Xuseen Maxamed Xaaji ( Xuseen Aaar) ayaa tilmaamay in go’aan kaasi yahay mid gabood-fal ku ah Soomaalida, ayna ka qaadanayaan racfaan.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo hay’adda Qarammada Midoobey u qaabbilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa horay u wada go’aan saday in aan khasab lugu rarin qaxootiga Soomaalida ee ku nool Kenya.

Ciidammada amniga Kenya hawl-gallo ay sameeyeen ayay ku qabteen kumannaan qof oo Soomaali ah, kuwaas oo qaarkood loo masaafuriyey dalkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com