DFS oo daawaneysa xiisadda masuuliyiinteeda

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khilaaf u dhaxeeyo gudoomiyaha degmada Beledweyne iyo gudoomiyaha gobolka Hiiraan, kaasi oo sii xoogeystay markii wafdi uu hogaaminayo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka tageen magaalada Beledweyne.

Xogta aan heleyno ayaa sheegaysa in gudoomiyaha gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax uu diiday in xubno ka tirsan maamulka gobolka iyo kan degmada Beledweyne u diiday iney la kulmaan wafdiga ka socda dowlada.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in wafdiga dowlada Soomaaliya ee ku sugan magaalada Beledweyne aysan waxba kala socon qilaafka cusub ee ka dhashay safarkooda Beledweyne, waxaana la sheegayaa iney degen yihiin guriga gudoomiyaha Hiiraan ku leeyahay magaalada Beledweyne.

Laakiin xog dheeri ah oo aan helnay ayaa sheegaysa in qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee kasoo jeeda Hiiraan kana mid ah wafdiga ay ka warheleen ineysan isku fiicneyn gudoomiye C/fataax Xasan iyo Xubnaha maamulka gobolka iyo gudoomiyaha Beledweyne.

Dowlada Federaalka Soomaaliya gaar ahaan wasaarada arimaha gudaha ayaa dusha ka eeganeysa wada shaqeyn la’aanta xubnaha maamulka gobolka Hiiraan, taasi oo cuuryaamineysa horumarka Gobolka.

Mar sii horeysay ayaase la xaliyay khilaaf u dhaxeeyay gudoomiyaha degmada Beledweyne iyo gudoomiyaha gobolka, laakiin qilaafkaan waxaa ku jiro xubno la shaqeynayay gudoomiyaha Hiiraan iyo gudoomiyaha degmada Beledweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com