Faysal C. Warabe oo digniin u jeediyay Siilaanyo

Hargeysa (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay iscasilaada ay ku dhawaaqeen wasiirada ka tirsan maamulka Somaliland iyo qilaafka cusub ee ka taagan Hargeysa.

Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in xisbiga talada haya ee Kulmiye looga baahan yahay inuu ka fakaro aayaha deegaanada Somaliland, islamarkaana laga fakaraa burbur ku yimaada xisbiga.

Waraabe, ayaa sheegay in Somaliland aysan dan ugu jirin burbur ku yimaada xisbiga talada dalka haya, sidaasi daraadeedna looga baahan yahay madaxweyne Siilaanyo inuu ka fakaro aayaha xisbiga.

“Xisbiyo hore ayaa burburay kanna yuu naga burburin, waxaan dhihi lahaa si cadaalad ah ha u tartamaan kadibna waxii soo baxa isku raaca, Somaliland dib ha u celinina”ayuu yiri Waraabe.

Khilaaf xoogan ayaa ka dhex taagan xubnaha xisbiga Kulmiye, waxaana arinta ay sii xumaatay markii wasiiro ka tirsan maamulka Siilaanyo ay is casileen.

Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
Caasimada@live.com