DF oo DIGNIIN kasoo saartay laba sharoobo oo halis ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan qaybteeda maareynta daawada ayaa digniin culus kasoo saartay waxyeelada laba daawo oo Sharoobo ah oo kala ah MBRONAL SYRUP Iyo DOK-1 Max Syrup , kuwwaas oo ay soo saarto shirkad lagu magacaabo MARION BIOTECH PVT. LTD oo laga leeyahay India.

Wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday inay heshay digniino caalami ah oo ku aadan Sharoobooyinkaasi oo ah kuwa halis ah, isla-markaana loo isticmaalo daaweynta xanuunada ku dhaca Neefmareenka, waxayna mamnuucaday in dalka lasoo geliyo, sidoo kalena dhaqaatiirta Sooomaaliyeed ay u qoraan bukaanadaooda.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa amartay ganacsatada Soomaaliyeed inay joojiyaan ka ganacsiga Sharoobooyinkan ee haatan isticmaalkooda laga digay.

“Baaritaan ay si wadajir ah u sameeyeen Hay’adda Caafimaadka Aduunka (WHO) iyo Hay’adda Maareynta Daawada ee Dalka Oozbakistan ayaa lagu ogaaday in daawooyinkaas tayadoodu hoosayso, kuna jiraan xaddi badan oo kiimikaalis sun ah oo waxyeelayn kara habdhiska Jirka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka.

Halkaan hoose ka daawo:

DIGNIIN!

Wasaaradda Caafimaadka iyo Dareyeelka Bulshada JFS Qeybteeda Maareynta Daawada ayaa waxay heshay Digniino Caalami ah oo ku aadan waxyeelada laba daawo oo sharooba ah kuwaas oo loo isticmaalo daaweynta xanuunada ku dhaca Neefmareenka.

Labada Sharoobo ayaa kala ah: AMBRONAL SYRUP Iyo DOK-1 Max Syrup oo soo saarto  shirkad lagu magacaabo MARION BIOTECH PVT. LTD oo laga leeyahay Dalka India.

Wasaaradda Caafimaadka ma xaqiijin karto in Dawooyinkaas Dalka Yaalaan, laakiin ayadoo laga duulayo masuuliyada Wasaaradda kasaarab ilaalinta badqabka Caafimaad ee Muwaadiniinta Dadkeena  waxay ogeysiinaysaa qodobada hoose.

  1. In Dhammaan Dhaqaatiirta Soomaaliyeed aysan u qorin bukaanadooda.
  2. In Ganacsatada Soomaaliyeed ay joojiyaan ka ganacsiga Sharoobooyinka kala ah: AMBRONAL SYRUP Iyo DOK-1 Max Syrup oo soo saarto shirkad lagu magacaabo MARION BIOTECH PVT. LTD oo laga leeyahay Dalka India.
  3. Waxaa Sidoo kale lagu baraarujinayaa Shacabka Soomaaliyeed inay ka taxadaraan Dawooyinkaas oo Qatar caafimaad u keeni kara caruurtooda.

Baaritaan ay si wadajir ah u sameeyeen Hay’adda Caafimaadka Aduunka (WHO) iyo Hay’adda Maareynta Daawada ee Dalka Oozbakistan ayaa lagu ogaaday in daawooyinkaas tayadoodu hoosayso, kuna jiraan xaddi badan oo kiimikaalis sun ah oo waxyeelayn kara habdhiska Jirka.

Fadlan Fariintaa la wadaag oo gaarsii bulshada inteeda kale si’aan u hubino badqabka Dadkeena.

FG: Fadlan halka hoose ka akhriso Faahfaahinta Macluumadka aan helnay.