Ciidanka dowladda oo howlgal ku burburiyay baabuur laga soo buuxiyay QARAXYO

Balcad (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Balcad ee gobolkaas, kaas oo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Shabaab.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu burburiyay laba gaari oo laga soo buuxiyay qaraxyo, sida ay shaaciyeen saraakiisha ciidamada milatariga ee howlgalka sameeyay.

Saraakiisha ayaa sidoo kale tilmaamay inay Al-Shabaab uga daba tegeen deegaanada miyiga aj, isla-markaana ay fashiliyeen weerarada qaraxyada oo lagu diyaarinayey halkaasi, kuwaas oo ay sheegeen inay la damacsanaayeen inay ka fuliyaan Sh/ Dhexe.

Gawaarida qaraxyada lagu soo raray ayey saraakiishu sheegeen in laga dhacay shacabka, isla-markaana ay kooxda dooneysay inay ku weeraraan isla dadka shacabka ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in ujeedka uu ahaa in weeraradan qaraxyada ah ay la beegsadaan goobaha ay dadka ku badan yihiin, balse ay ka hortageen ciidanka Xoogga.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana agagaarka degmada Balcad laga dareemaya dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ka fulisa gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana ugu dambeeyay midkii maalmo kahor ka dhacay deegaanka Hilowle Gaab oo lagu dilay saraakiil iyo askar ka tirsanaa ciidamada dowladda ee howlgallada ka wada gobolkaas oo hoostaga HirShabelle.

Si kastaba, Al-Shabaab lagu jebiyay gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa kusoo koobantay inay weeraro gaadmo ku qaado saldhigyada ciidamada iyo weeraro qaraxyo ah.