DF oo digniin kasoo saartay qorshe ay sheegtay inay wadaan Jabuuti iyo Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd soo saartay digniin culus oo ku socota dalalka Jabuui iyo Kenya oo ay ku eedeysay “xad-gudub iyo faro-gelin ka dhan ah arrimaha gudaha dalka”.

Sii-hayaha Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Dubbe oo warbaahinta dowladda kasoo muuqday ayaa sheegay in dowladda waqtigeedu dhamaaday aysan marnaba aqbaleyn in la faro-geliyo go’aamada kasoo baxaya Midowga Afrika ee ku aadan xaalada dalka, taasi oo uu sheegay inay wadaan Jabuuti iyo Kenya.

“Dowladda waxay ka digaysa xogaha xasaasiga ah ee hordhaca ah oo xaqiijinaya in dowladaha Kenya iyo Jabuuti ay ka dhex wadaan olole diblumaasiyadeed oo xubnaha guddiga amniga iyo nabada afrika kaga dhaadhicinayaan soo jeedin qoddobo ay rabaan in lagu daro qoraalka la doonayo in uu soo saaro guddiga amniga iyo nabad ee Midowga Afrika,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in marnaba aysan aqbaleyn dowladda waqtigeedu dhamaaday in meesha laga saaro qaraarkii Golaha Shacabka uu muddo kororsiga ugu sameeyay Farmaajo, kaasi oo uga sii darey xiisadii doorashada.

Dubbe ayaa waxa uu sheegay in madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu Midowga Afrika u gudbiyay in ayada oo la meel-marinayo qaraarkii Golaha Shacabka la dhameeyo khilaafka doorashada ee ka dhex aloosan dhinacyada isku haya siyaasada dalka.

“Dowladda Soomaaliya waxay ka digaysa waxkasta oo taabanay gobonimada iyo madax-banaanida siyaasadeed ee Jamhuuriyada, waxayna kasoo horjeeda in dowladdo xubno ka ah guddiga oo Soomaaliya kala dhaxeyso xurguf siyaasadeed ay guddiga amniga iyo nabada ee Midowga Afrika u adeegsadaan ku xad-gudubka gobonimada iyo madax-banaanida Soomaaliya.”

“Soomaaliya waxay si cad u sheegaysa inaysan cidna ka aqbaleyn ku xad-gudubka arrimaha gudaha Soomaaliya, taasi oo kasoo horjeeda xeerkii iyo sharciyadii lagu aas-aasay ururka Midowga Afrika oo Soomaaliye qeyb ku laheyd aas-aaskiisa iyo taabo-gelintiisa.”

Sii-hayaha wasiirka warfaafinta ayaa ugu dambeyntiina sheegay inay dowladda waqtigeedu dhamaaday ay soo dhaweynayso “cidkasta oo gacan ka siinaysa sida ay dalka uga dhici laheyd doorasho qof iyo cod ah,” ayada oo la ixtiraamayo madax-banaanida dalka, sida uu sheegay.

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ayaa dhawaan codsi la xiriira dhex-dhexaadinta mucaaridka u gudbiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo Felix Tshisekedi oo ah hogaamiyaha Midowga Afrika, wada-hadaladaas oo ay diideen Madasha Badbaado Qaran, oo ayadu sheegtay in isku dayga uu yahay mid Farmaajo uu dadka ku maaweelinayo, waqtigana kusii dheereysanayo.

Farmaajo ayaa u muuqda mid raba inuu wada-hadal la galo siyaasiyiinta ay isku hayaan doorashada, ayada oo aan “wax is-bedel ah lagu sameynayn qaraarkii Golaha Shacabka”, oo ay ka hor-imaadeen Musharaxiinta mucaaridka, beesha caalamka iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland. Lamana oga halka ay wax sal dhigan doonaan.

Hoos ka daawo Dubbe