Daawo: Rooble iyo Wasiirka Amniga oo war kasoo saaray shaqaaqadii ka dhacday garoonka Aadan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay dhacdadii maanta ka dhacday Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, ee ay isugu gacan qaadeen ciidamada NISA iyo shaqaalaha hay’adda socdaalka.

Rooble ayaa “wax aan la aqbali karin” ku tilmaamay falkii ka dhacay Garoonka, kaasi oo horseeday inay istaagaan qaar ka mid ah shaqooyinkii garoonka

“Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Wasaaradda Amniga iyo Hay’adaha kale ee ay khuseyso in ay baaritaan deg-deg ah ku sameeyaan falkaas si dhaqso ahna sharciga loo horkeeno cid kasta oo ku lug lahayd,” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyey warbaahinta dowladda.

Dhinaca kale, Sii-hayaha Wasiirka Amniga, Xasan Xundubeey ayaa dhinaciisa sheegay in mas’uuliyiinta dowladda federaalka ay amreen inay tallaabo ka qaadan shaqsiyaadkii ku lugta lahaa dhacdadaas oo si weyn loogu baahiyey baraha bulshada.

“Anaga oo fulineyna amarka madaxweynaha iyo kan ra’iisal wasaaraha waxaan talaabo sharci ah ka qaadi doon cid walba oo ay ku cadaato in ay qeyb ka aheyd shaqaaqadii ka dhacday garoonka,” ayuu yiri Wasiir Xundubeey.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in dhacdo noocaas oo kale ah aysan kusoo laaban doonin Garoonka Muqdisho oo ah midka ugu caalamisan ee dalka.

Ugu dambeyntiina waxa uu shacabka Soomaaliyeed ka raali-geliyay muuqaladii foosha xumaa ee muujinayey wixii ka dhacay Garoonka, kuwaasi oo laga dheehan karayey qaabka arxan-daradda ah ee loo garaacay shaqaalaha waaxda hay’adda socdaalka.

Hadalkaan ayaa imanaya xili ay siyaasiyiinta mucaaridka si weyn ugu dhaliileen madaxda waqtigoodu dhamaaday dhacdada ka dhacday Garoonka, taasi oo ay ku sifeeyeen natiijada ka dhalata marka laga baxo xayndaabka sharciyadda.

Hoos ka daawo Xundubey