Maxaa kasoo baxay kulankii Midowga Afrika ee is-mari waaga doorashada Somalia?

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika oo kulan gaar ah ka yeeshay xaaladda adag ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in muhiimadda koobaad la siiyo sii amba-qaadida wada-hadallada xalka loogu raadinayo is mari-waaga siyaasadeed ee ka jira gudaha dalka.

Shirkan oo ku qabsoomay Aaladda Zoom-ka ayaa golaha amniga iyo nabadda Midowga marka hore wuxuu warbixin uga dhageystay ergayga Midowga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, kaas oo ka hadlay arrimihii ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo doorashada.

Sidoo kale waxaa kulankan qeyb ka ahaa wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo metalayey dowladda federaalka ah, kana hadlay doorka xukuumadda ee xal raadinta.

Golaha ayaa ugu baaqay dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo saamileyda kale inay mudnaanta siiyaan wada-hadal loo dhan yahay, si loo gaaro heshiis buuxa.

Bankole Adeoye oo ah guddoomiyaha golaha amniga iyo nabadda Midowga Afrika oo isna ka hadlay madasha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay diyaar u yihiin inay ka qeyb-qaataan dadaallada socda, gaar ahaan fududeynta wada-hadallo dhex-mara Soomaalida.

“Waxaan caddeeyey in guddiga Midowga Africa diyaar u yihiin inay fududeeyaan wada-hadal wax ku ool ah oo dhex-mara dhinacyada Soomaalida, si looga gudbi is mari-waaga siyaasadeed ee haatan Jira,” ayuu yiri Bankole Adeoye.

Midowga Afrika qoraalkan marnaba kuma soo hadal qaadin go’aankii baarlamaanka ee muddo kordhinta, balse wuxuu ka mid ahaa ururadii ka horyimid talaabadaasi.

Si kastaba dhowaan ayey aheyd markii madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday oo booqasho ku tegay dalka Kongo uu ka dalbaday madaxweynaha dalkaasi oo sidoo kale guddoomiyaha Midowga Africa inuu dhexdhexaadiyo dhinacyada Soomaalida ee isku haya doorashooyinka.