DF oo DIGNIIN ujeedisay mucaaradka, xili uu abaabul xoogan ka socdo Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii u horeysay si adag uga jawaabtay guuxa ka dhashay guddiga doorashooyinka dalka, kaasi oo sababay in siyaasiyiinta mucaaradku ay bilaaban qorshayaal ka dhan guddiyadaasi.

Siyaasiyiinta mucaaradka, gaar ahaan musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa magaalada Muqdisho ka wada abaabul xoogan, iyaga oo shirar siyaasadeed culus ka bilaabi doona magaalada, midaasi oo ay si dadban uga digtay dowladda federaalku.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dowladda federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo shalay hadal ka jeediyay munaasibad ka dhacday tiyaatarka Qaranka ayaa digniintaasi u jeediyay mucaaradka, isagoona sheegay in xiligan dalka lagu maamuleyn ‘fowdo iyo awood qabiil’.

Mahdi Guuleed oo u muuqda mid iska indho tiraya cabashada mucaaradka ayaa sheegay in siyaasi kasta looga baahan yahay inuu ixtiraamo heshiiska doorashada oo uu sheegay inay ku yimaadeen guddiga uu muranku ka taagan yahay.

Waxa kale oo uu sheegay in ummada Soomaaliyeed ay ka gudubtay ‘qabiil iyo xilligii lagu Owr-kacsan jiray’ oo macaash lagu raadin jiray, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyntiina waxa uu xusay in shaqsi iyo siyaasi kasta oo ku xadgudba sharciga iyo heshiisyada siyaasadeed ee dalka ay tallaabo adag ka qaadi doonaan laamaha amaanka, maadama uu sheegay inay arrintaasi u taalo hay’adaha dowladda.

Digniintan ayaa imaneysa xili ay magaalada Muqdisho ka socdaan abaabulo looga soo horjeedo guddiyada doorashooyinka dalka oo xukuumaddu ay ku adkeysaneyso inay yihiin sharci, isla markaana ay ka shaqeynayaan doorashada dhawaan heshiiska laga gaaray.

Si kastaba, Arrintan ayaa uga sii dari karta is-mari-waaga maalmihii u dambeeyay ka dhex aloosnaa madaxda sarre ee dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka, oo iyagu ku doodayey in la leexiyay hanaankii doorashada.