DF oo fariin u dirtay dadka ku safraya dhulka iyo badda

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka ayaa maanta markale soo saartay fariin ku aadan dadka safraya, gaar ahaan kuwa ku socdaalaya dhulka ama badda, maadaama la joojiyey duulimaadyada caalamiga.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda ayaa waxaa talooyin caafimaad loogu jeediyey dadka Soomaaliyeed ee u safraya dalka dibaddiisa.

Ugu horreyn wasaaradda ayaa muwaadniinta Soomaaliyeed ka dalbatay in aysan u safrin wadamada uu sida daran u saameeyey caabuqa Corona.

Sidoo kale waxa ay ku baaqday in qofka uu dib u dhigo safarada gudaha, haddii uu isku arko calaamadaha hargabka, sida qadho ama diif.

Ugu dambeyn wasaaradda caafimaadka ayaa dadka Soomaaliyeed ka dalbatay in aaney is-gacan qaadin, si looga hortago faafitaanka cudurka Coronavirus.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dadaallo guud oo lagula dagaalamayo cudurkaan, iyadoo xalay qalab muhiim ah ka guddoontay safiirka Shiinaha u jooga Soomaaliya.