Puntland oo ka noqotay go’aan masaajida lagu xiray

Garoowe (Caasimada Online) – War ka soo baxay wasaaradda cadaalada Puntland ayaa lagu sheegay inay ka laabatay amaradii horay uga soo baxay ee ku aadanaa in la xiro maasjiyadda iyo dugsiyada lagu barto Qur’aanka Kariimka ee maamulkaasi.

Qoraalka wasaaradda ayaa lagu sheegay in arrintaan ay wadatashiyo kala sameysay Culimada iyo qeybaha bulshada, islamarkaana ay dib u eegis ku sameysay go’aankii hore, kadib talooyin ka yimid Culimada, Macalimiinta iyo mu’adimiinta.

Wasaaradda ayaa shaacisay in dhinacyadaasi ay isku raaceen in aan la xirin masaajidda balse laga shaqeeyo nadaafadda goobahaasi, si looga hortgago Coronavirus.

Sidoo kale wasaaradda ayaa intaasi ku dartay in la’isla gartay in gabi ahaan la xiro Musqulaha iyo meelaha lagu weesaysto, si loo ilaaliyo nadaafadda guud.

Puntland ayaa horay u soo saartay amaro lagu xirayo dhamaan goobaha waxbarashada iyo meelaha isu imaatinka dadka, si loo xakameeyo COVID19.

Soomaaliya ayaa horay ugu dhawaaqday in hal kiis oo ka mid ah xanuunkaan laga helay magaalada Muqdisho, gaar ahaan muwaadin Soomaaliyeed oo ka yimid dalka dibaddiisa.