Soomaalidii ugu badneyd oo cudurka Coronavirus ugu geeriyootay Sweden

Stockholm (Caasimada Online) – In ka badan 30 qof oo dalka Sweden ugu geeriyootay cudurka Coronavirus ayaa waxaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen dad Soomaaliyeed oo ku noolaa dalkaas.

Cabdiraxmaan Xudeyfi oo ah Weriye ku sugan magaalada Stockholm ee dalka Sweden ayaa laanta af-Soomaaliga ee VOA u sheegay in magaalada caasimadda u ah dalkaas ee Stockholm ay cudurka COVID-19 ugu geeriyoodeen in ka badan lix qof oo Soomaali ah.

Dadka ku nool dalka Sweden ee laga helay cudurka Coronavirus ayaa kor u dhaafaya laba kun oo qof, waxaana dhimashada lagu sheegay 33 ruux oo ay Soomaali badani ku jirto.

Tirada guud ee dadka Soomaaliyeed ee degan dalka Sweden ayaa lagu sheegay in ay gaareyso 90,000 oo ruux (Sagaashan kun), halka caasimadda dalkaas ee Stockholm Soomaalida degan lagu qiyaasay 30,000 oo qof.

Warbixin xalay kasoo baxday dhakhaatiirta dalkaas ayaa lagu sheegay in dadka qaba xanuunkaas ay ku badanyihiin xaafadaha ay deganyihiin dadka Soomaalida ah ee ku nool Stockholm, iyadoo arintaas oo aaneynayo wacyi gelin la’aan jirta.