Somaliland oo shaacisay in ay xireyso ‘xuduudaheeda’

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa maanta soo saartay Go’aamo kale oo ay ku sii xoojinayso go’aamadii hore ee ka hortaga cudurka faraha ba’an ku haya dunida ee Coronavirus.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Cumar Cabdilaahi Bade oo sidoo kalena ah Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee diyaar-garowga iyo Ka hor-tagga Cudurka Covid-9 ayaa sheegay in gebi ahaanba xukuumadu ay maalinta berri ah ay xirayso xuduudaha ay la wadaagto wadamada dariska.

Wasiirka ayaa xusay inay xirayso xukuumada Biixi xuduudaha ay la wadaagan Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya, kuwaasi oo hore ugu dhawaaqay in xuduudahoodu ay xiran-yihiin si looga hortago faafida cudurka xawliga ku socda ee Coronavirus.

Waxayna xirnaan doonaan sida uu Wasiirku sheegay xuduudahaasi muddo Saddex Toddobaad ah oo ka bilaabmaya berri oo bishu tahay 26/03/2020, marka laga bilaabo Lixda Makhribnimo, waxaana ka soo gudbi kara oo keliya sida uu sheegay waxyaabaha Daruuriga ah, sida Raashinka, Shidaalka, Daawooyinka iyo Agabka kala duwan ee Caafimaadka.

Bade oo arrimahaasi ka hadlaya, ayaa warbaahinta waxa uu ka hor akhriyey Lix qodob oo ay Guddigu soo saartay, kuwaasi oo lagu xoojineyo sidii looga hortagi lahaa cudurkaasi, waxayna u dhignaayen sidan:

1. Bulshada Somaliland waxa lagu adkaynayaa inay ka taxadaraan halista Xanuunka Coronavirus, raacaana farriimaha Wacyi-gelinta ah ee loogu talo-galay ka hor-tagga Xanuunka ee bahda Caafimaadku la wadaagayso.

2. Guddigu markay qiimaysay Xaaladda Rakaabka ka soo degaya Madaarka Cigaal ee Hargeysa waxay go’aamisay in dhammaan Rakaabka la socda diyaaradaha ee soo galaya dalka laga bilaabo maanta, muddo 14 Maalmood ah lagu haynayo Goobo gaar ah oo lagu karantinimaynayo, muddadaas oo la hubin doono Xaaladdooda Caafimaad, iyagoo Rakaabkaasina isku qabi doona kharashka ku baxaya muddada 14-ka cisho ah ee la haynayo.

3. Waxa la xidhay dhammaan Xuduudka dhulka ee Somaliland la leedahay dalalka Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya, muddo 3 Toddobaad ah oo ka bilaabmaya berri oo bishu tahay 26/03/2020, marka laga bilaabo Lixda Makhribnimo, waxaana ka soo gudbi kara oo keliya waxyaabaha Daruuriga ah, sida Raashinka, Shidaalka, Daawooyinka iyo Agabka kala duwan ee Caafimaadka, IWM.

4. Waxa la xidhay dhammaan Marsooyinka Badda (Dekedaha) ee Somaliland, marka laga reebo Dekedda Berbera oo ay ka soo degi karaan Waxyaabaha Daruuriga ah, sida Raashinka Shidaalka, Dawooyinka iyo Agabyada kala duwan ee Caafimaadka, IWM, laga bilaabo berri oo bishu tahay 26.03.2020, lixda Makhribnimo marka la gaadho.

5. Masuuliyiinta Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madax-bannaan ee Dawladda waxa lagu war-gelinayaa in shaqaalaha ay ka maarmayaan ay faraan inay ku shaqeeyaan Guryahooda, iyagoo shaqaalahaasina ku jiro doona Heegan buuxa. Arrintani ma saamaynayso Hay’adaha iyo Wasaaradaha hoos ku xusan, kuwaasi oo duruufo gaar ah awgeed looga baahan yahay inay buuxda u shaqeeyaan, Hay’adahaa iyo Wasaaradahaa waxa ka mid ah, Shaqaalaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Shaqaalaha Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, Shaqaalaha Madaarka Cigaal, shaqaalaha Dekedda Berbera, Shaqaalaha Waddada Ceerigaabo-Burco, Shaqaalaha Bangiyada Somaliland, shaqaalaha Dawladaha hoose.

6. Hay’adaha Dawladda ee u xil-saaran fulinta Go’aammada loogu diyaar-garoobayo, lagagana hor-tagayo Xanuunka Covid_19 ee guddigu soo saartay, waxa lagu war-gelinayaa inay Cid kasta oo ka dhego-adaygta hirgelinta go’aannadan ay Tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan.