Qoor Qoor & xildhibaanada mucaaradka ah oo gaaray heshiis saddex qodob ah

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Qoor Qoor ayaa bilaabay inuu heshiis la galo xildhibaanada iyo dhamaan dadka diidan maamulkiisa.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegaya in heshiis muhiim ah ay galeen Madaxweyne Qoor iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo diidanaa doorashadii Dhuusarameeb.

Waxyaabaha ay dhinacyadu isku afgarteen ayaa waxaa kamid ah.

1) – In xildhibaanada mucaaradka ah ay ka qeyb galaan Caleema saarka madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo dhawaan la filayo in lagu qabto Dhuusamareeb.

2) – In dhinacyadu kawada shaqeeyaan danaha Galmudug ayna xildhibaanada ka qeyb qaataan dib u heshiisinta siyaasinta gobalka iyo hogaanka maamulka.

3) – Iyo madaxweyne Qoor Qoor oo Xildhibaanada u balan qaaday in uu kala shaqeyn doono sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen baarlamanka Soomaaliya oo lix bil kadib waqtigiisu dhamaanayo, lana filayo in dib looga soo doorto Galmudug.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sidoo kale heshiis la galay Madaxweynihii ka horeeyay ee Xaaf waxaana la filayaa inuu xaliyo tabashada hogaanka Ahlu-Sunna, sida ay xaqiijiyeen ilo muhiim ah.

Masuuliyiin badan oo daneeya arrimaha Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya ayaa dhaq dhaqaaqyada Qoor Qoor ku tilmaamay mid isu keeni kara Galmudug meeshana ka saari kara dib u dhaca gobalka.