Maxay ahaayeen ciidanka la sheegay inay tageen hoyga Shariif ee xiisada dhaliyey?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay ilaa maanta aad loo hadal hayaa xiisad ka dhalatay ciidamo la sheegay in lagu arkay guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo Madasha Xisbiyada Qaran iyo Wasaaradda Amniga Soomaaliya ay siyaabo kala duwan uga hadleen.

Madasha ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in la isku dayey in weerar gaadmo ah oo qorsheysan lagu qaado xarunta Madasha iyo hoyga madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ahna hogaamiyaha madasha xisbiyada qaran.

Hase yeeshee War kasoo baxay wasaaradda amniga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay waxba kama jiraan yihiin eedeymaha ay Madasha Xisbiyada Qaran ku sheegeen qaar ka mid ah hay’adaha amniga ay abuubuleen weerar ka dhan ah Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Haddaba Caasimada Online ayaa la hadashay saraakiil amni oo ka tirsan booliska, waxna ka weydiisay sida ay wax u dhaceen, kuwaas oo sheegay in waxa dhacay oo dhan ay yihiin is-faham waa.

Sheekh Shariif wuxuu dagan yahay gurri ku yaalla agagaatka Bar Kontorool oo ku jira xayndaabka ay hay’adaha amniga ka ilaaliyaan Garoonka Aadan Cabdulle iyo guud ahaan Xerada Xalane.

Waxaa inta u dhaxaysa Xarunta UNDP iyo Isbaarada laga ilaaliyo u dhaxeeya Maqaayad habeenkii aad u camiran iyo Meel Jalaatada laga iibsado oo lagu magacaabo Gelato Divino.

Sida ay sheegeen booliska xilli saq dhexe ah ayaa halkaas waxaa habeenkii 22-ka March tagey ciidamo boolis iyo taliye la socday oo ujeedku ahaa in ay wax ka iibsadaan meheradaha ku yaalla aagaas.

Booliska ayaa Intaas ku daray in kadib warka uu gaaray guriga Sheekh Shariif oo ku yaallo meel u dhaw Xaruntii hore Xisbiga PDP (Peace and Development Party) ee Xasan Sheekh iyo Hay’adda CRD.

Ciidanka ilaaliya Sheekh Shariif ayaa kadib la sheegay inay dareemeen imaanshaha ciidamadan ayna ka shakiyeen, sidaasna dibedda uga soo baxeen, waxayna usoo dhaqaaqeen dhanka ay joogeen ee laamiga.

Si kastaba hab maamuuska Shariif dad kamid ah ayaa hor istaagay oo ka hortagay in dagaal uu meesha ka dhaco, waa sida saraakiisha amniga ay sheegeen.

Dhinaca kale, wasaaradda amniga ayaa si dadban ugu eedeysay Madasha Xisbiyada Qaran inay dhacdadan uga faa’iideysanayaan dano siyaasadeed.

Qoraalka ayaa lagu yiri  “DF waxay ka digeysaa ficillada xun iyo wararka been abuurka ah ee ay shakhsiyaad la garanayo ku doonayaan in ay dano siyaasadeed uga maacaashaan wararka aan sal iyo raadka toona lahayn” ayaa lagu soo gaba-gabeeyey war-saxaafadedkan oo goor dhaw kasoo baxay wasaaradda amniga ee xukuumadda Soomaaliya.”