Maleeshiyaad hubeysan oo xabsiga Gaalkacyo dagaal uga soo furtay maxbuus

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay iska hor imaad u dhexeeyey maleeshiyaad hubeysan iyo ciidanka ammaanka maamulka Puntland uu ka dhacay waqooyiga degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi.

Dagaalka ayaa yimid, ka gadaal markii kooxda maleeshiyada ah ay rasaas ku fureen gaari ay la socdeen taliye ku xigeenka xabsiga waqooyiga Gaalkacyo iyo ilaaladiisa.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka hubeysan ay doonayeen inay xoog ku soo furtaan nin maxbuus ah oo la sheegay inuu ku dhex xanuunsaday xabsiga, kaas oo la socday gaariga la rasaaseeyey, lana rabay in lagu geeyo xarun caafimaad, si loogu dabiibo.

Kooxda weerarka fulisay ayaa sidoo kale wararku waxa ay sheegaan inay ay ehel la’yihiin ninka maxbuuska ah oo ay horay Puntland ugu xukuntay dil toogasho ah.

Inta la xaqiijiyey waxaa is-rasaaseyntaasi ku dhaawacmay illaa afar qof oo uu ku jiro taliye ku-xigeenka xabsiga waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Sidoo kale ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ragga weerarka qaaday ay si xoog ah markii dambe ku kaxeysteen maxbuuska ay doon-doonayeen.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax faah faahin ah oo saraakiisha laamaha amniga ay ka bixiyeen shaqaaqadaasi.

Xaaladda ayaa saaka degan, base ciidamada Puntland ayaa haatan xaafado ka tirsan waqooyiga Gaalkacyo ka wada howlgallo baaritaano ah.