Fanaaan Dayax Dalnuurshe oo bulshada ka wacy-gelinaya halista cudurka COVID-19

Muqdisho (Caasimada Online) – Fanaanka caanka ah ee Dayax Maxamed Muuse (Dayax Dalnuurshe), oo kamid ah fanaaniinta Soomaaliyeed kuwa loogu jecelyahay, ayaa u istaagay inuu dadka Soomaaliyeed ka wacyi geliyo qatarta safmarka cudurka COVID19 ee dhibaatada badan ku haya dunida oo dhan.

Dayax Dalnuurshe ayaa wacyi gelinta u isticmaala farriimo muuqaal ah uu soo geliyo baraha bulshadu ku xariirto, arrintaas oo qayb wayn ka ah ololaha guud ee dadka Soomaaliyeed looga badbaadinayo khatarta dhinacyada badan ee feyruska Karoona.

Fannaanka ayaa bulshada xasuusiya wanaagga ay leedahay ku dhaqanka farriimaha caafimaad, sida in la kala fogaado, in xaafadaha lagu nagaado, in nadaafadda lagu dadaalo, inaan bannaanka loogu bixin wax aan muhiim aheyn iyo qofkii isku arka astaamaha cudurka uu la xariiro xarumaha caafimaadka ee loo asteeyay la tacaalidda cudurka.

Dadka ku xiran barahiisa bulshada iyo taageerayaashiisa oo aad uga fal celinaya qoraallada iyo muuqaallada uu soo geliyo baraha bulsahda ayaa ku ammaanay ololaha uu qaybta ka yahay, waxayna ku tilmaameen mid qayb muhiim ah ka ah sare u qaadidda wacyiga bulshada iyo hourmarinta dadaallada badbaadinta ummadda.

Dayax Maxamed Muuse (Dayax Dalnuurshe),  ayaa fanaaniinta kale ee Soomaaliyeed ugu baaqay inay qaybtooda ka qaataan ololaha wacyi gelinta, maadaama fanaaniintu ay yihiin indhaha bulshada, xilligaanna la joogo waqtigii ugu muhiimsanaa ee bahda fanku ay awoodooda u isticmaali lahaayeen hagidda bulshada.

Bulshada Soomaaliyeed oo ah bulsho taariikh wanaagsan oo dambe farriimaha la isugu gudbiyo heesha gabayada, gabayada iyo qeybaha kala duwan ee suugaanta ayaa aad u dhageysato uguna xiran bahdsa suugaanleyda oo fanaaniintu kamid yihiin kuwaas oo farriimaha kusoo gaarsiiya qaab suugaaneedka.