DF oo sameysay liis loogu yeeray 100-ka qof ee ugu saameynta badan Somalida

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maanta waxaa baraha bulshada lagu soo daadiyay qoraal lagu bixiyay lacag badan oo loogu magac daray (100-ka qof ee ugu saameynta badan Soomaalidda 1920-2020).

Sida ay ogaatay Caasimadda Online, barnaamujkaan waxaa abuuray xubno ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska ra’iisul wasaare Kheyre, ayada oo aan la ogeyn ujeedka ay ka leeyihiin.

Sida qorshuhu ahaa waxaa lagu heshiiyay in laga ilaaliyo qof walba oo ay maalin is qabteen Xasan Kheyre iyo Farmaajo. Lacag kumanaan dollar ayaa lagu bixiyay Barnaamujkan.

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle ayaa la sheegay inuu aqbalay qarash bixinta barnaamijkan madaama loo balan qaaday inuu ku jiro doono liiska 100-ka ugu saameyn badnaa Soomaalida 100-kii sanno ee lasoo dhaafay.

ilaa 50 qof oo dhallinyaro ah oo lagula heshiiyay lacag ayaa baraha bulshada ku faafinayay qoraalkan saacadihii lasoo dhaafay. Dad badan ayaa dood ka keenay liiskaan uu diyaariyay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Waxaa barnaamujkaan lagu xusay dad loo arkay iney qeyb ka noqon karaan inuu faafo oo uu dad badan gaaro.

Dadka sida ku tallo gal ah looga tagay waxaa ka mid ah: Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirsi oo ahaa taliyihii ugu horeeyay ee ciidanka xooga dalka, madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid, iyo madxaweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Waxaa sidoo kale ka mid ah Pro. Maxmed Sheekh Cismaan Jawaari oo 2 jeer noqday gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid oo 2 jeer ra’iisul wasaare noqday,  Cabdiweli Gaas oo ah qofka qura ee wada noqday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweyne Dowlad-goboleed, sidoo kalana ah ninkii Kumeel gaarkii ka saaray Soomaaliya, Thabit Cabdi oo ahaa duqii ugu da’da yaraa uguna saameynta badna ee soomara caasimada, iyo shaqsiyaad kale.

Madaxda mucaaradka ee sida weyn dowladda hadda jirta u diidan ayaa sidoo kale inta badan laga tagay marka laga reebo Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.

Liiskaan ayaa durba la kulmay ceebeyn iyo naqdin xoogleh waxaana laga yaabaa iney baaqato xaflad la doonayay in loo qabto si ay madaxda Dowladdu uga qeyb gasho.