Soomaaliya oo buuxisay marxaladdii koowaad ee deyn-cafinta, billaabeysa marxaladda labaad

Washington (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa gaartay marxaladdii koowaad ee dadaalka ay dooneyso in deynta looga cafiyo, taasi oo loo yaqaan Decision Point, oo macnaheedu yahay inay u qalanto in deynta-laga cafiyo, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay IMF iyo Banka Adduunka.

Soomaaliya ayaa hadda billaabeysa safarka iyo dadaalka ay ku dooneyso inay ku gaarto marxaladda labaad ee deyn-cafinta oo loo yaqaan Completion Point, taasi oo qaadan kartaa sanado saddex sano, si si-buuxda looga cafiyo deynta ay ku leeyihiin deyn-bixiyayaasha caalamiga ah.

“Deyn-cafinta waxay Soomaaliya ka dhigi doontaa inay dadkeeda u sameyso is-beddel waara, ayada oo u ogolaaneysa in deynta lagu leeyahay oo ah 5.2 bilyan dollar laga dhigo 557 milyan, marka ay gaarto marxaladda Completion Point muddo saddex sano gudaheed ah,” ayaa lagu yiri qoraal wadajir ah oo kasoo baxay hay’adda lacagta adduunka ee IMF ee Banka Adduunka.

Si kastaba, marxaladda ay hadda gaartay Soomaaliya ayaa u ogolaaneysa inay hesho fursad ay maal-gelin uga hesho barnaamijka horumarinta caalamiga ah ee Banka Adduunka ee loo soo gaabiyo (IDA), iyo la shaqeynta garabyada kala duwan ee Banka Adduunka. Waxay sidoo u ogolaaneyso Soomaaliya inay hesho deymo cusub.

IMF iyo Banka Adduunka ayaa sheegay in Soomaaliya ay sameysay xasilooni iyo is-beddelo dhaqaale, qorshe lagu yareynayo saboolnimada, iyo is-beddelo lagu xoojinayo xasiloonida miisaaniyadda.

“Si Soomaaliya u gaarto maraxaladda uga dambeysa ee Completion Point, IMF iyo Banka Adduunka waxay sii wadi doonaan inay mas’uuliyiinta Soomaaliya siiyaan caawimaadda farsamo iyo midda siyaasadeed ee ay u baahan yihiin si ay ugu guuleystaan hadafyadooda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Marxaladda ay hadda Soomaaliya gaartay ee Decision Point ayaa soo socotay sanado badan, oo kasoo billaabatay dowladdii Xasan Sheekh.

Dowladda Soomaaliya ayaa saddexdii sano ee tagtay shacabka u sheegeysay in bishan laga cafinayo deynta, taasi oo ah arrin aan sax ahayn, waxayna hadda un buuxisay marxaladdii koowaad ee u qalmidda deyn-cafin, sida ku cad qoraalka IMF iyo Bankiga Adduunka. Si Soomaaliya looga cafiyo deynta, waa inay dhameystirtaa marxaladda Completion Point.