Somaliland oo soo saartay go’aano cusub oo la xiriira cudurka Coronavirus (Aqri)

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa maanta soo saartay go’aamo kale oo lagu sii xoojinayo ka hortaga cudurka faraha ba’an ku haya dunida ee Coronavirus.

Somaliland ayaa shaacisay in qaar kamid ah shaqaalaha dowladda ay fasaxday, halka kuwa kalena ay sheegtay in sidoodii hore ay u shaqeyn doonaan.

Farxaan Aadan Haybe, Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Somaliland ayaa soo saaray Waraaq ay ku qoran yihiin Amaro la xiriira fasaxa qaar kamid ah shaqaalaha dowladda, kaasi oo dhaqan gali doona maalinta Sabtida ah ee ku beegan 28-ka bisha March.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in shaqaalaha fasaxa ah iyo kuwa sidoodii caadiga ah u shaqeynaya ay labadooda si gaara ah uga warheyn doonto wasaarada caafimaadku, si loola socdo xaaladooda caafimaad.

Sidoo kale waxa shaqaalaha Waayeelka ah ee gaadhay da’da lixdanka ah iyo wixii ka weyn lagu amray inay guryahooda joogaan, shaqo kasta oo ay u hayaan dowladda Somaliland, maadama la sheegay in cudurkan Corona ay aad ugu nugul-yihiin dadkaasi.

Hoos ka aqriso Waraaqda Hay’adda shaqaalaha oo dhameystiran