Sawirro: Dowladda oo fulisay arrin ay ka dardaarantay Wasiir KHADIIJA DIIRIYE

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn maanta fulisay arrin ay horay iga dardaarantay wasiirkii hore ee haweenka iyo xuuqul insaanka oo dhawaan ku geeriyootay dalka Jabuuti, laguna aasay magaalada Muqdisho.

Dardaarankaas ayaa ahaa gargaar loogu talagalay dadka ay saameeyeen fatahaadaha iyo daadadka Elnino ee ku dhuftay qaybo badan oo kamid ah Soomaaliya.

Hay’adda SoDMA oo ka duuleysa dardaaranka marxuumadda ayaa guddiga ololaha Hooyo Badbaadi Hal Qoys oo ay horkacaysay Wasiiru-dowlaha wasaaradda Haweenka, Aamino Xasan Cali ku wareejisay shixnad gargaar ah oo loogu talagalay qoysaska dhibaateysan.

Sida ay hay’addu sheegtay waxaa gargaarkaan loo qeybin doonaan illaa 500 oo qoys oo ka kooban haween iyo carruur.

“Gargaarkaan oo sida qaaska ah ay ugala dardarantay hay’adda SoDMA wasiirkii hore ee Haweenka XFS AUN Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa loogu talagalay in la gaarsiiyo 500 oo qoys oo ka kooban haween iyo Carruur, waxana uu ka koobanyahay qaybaha kala duwan ee raashinka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saartay Hay’adda Maareynta dowladda.

Sidoo kale SoDMA ayaa sii raacisay”Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka waxaa ka go’an dardargalinta howlaha Gurmadka dadkeena taagta yar ee fatahaaduhu saameeyeen”.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan xaalad bani’aadanimo oo aad u daran, kadib markii ay daadad xoogan ku rogmadeen gobollo badan oo ka tirsan Soomaaliya.

Dowladda federaalka oo kaashaneysa saaxibada caalamiga ah iyo hay’adaha samafalka ayaa haatan ku howlan u gargaarida qoysaska soo barakacay ee ku dhaqan gudaha dalka.