DF oo war yaab leh kasoo saartay ku biirista ururka EAC

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay uga hadleyso erey bixinta Af-Soomaaliga ee saxda ee loo adeegsanayo urur goboleedka EAC, ee dhawaan ku biirtay Soomaaliya.

Bayaankan oo kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa waxay hay’adaha dowladda iyo warbaahinta kula wadaagtay in erey bixinta saxda ah ee EAC ay noqoneyso “urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga ah”.

Sidoo kale waxaa loo soo soo gaabin karaa urur goboleedka bariga Afrika, sida lagu yiri bayaanka kasoo baxay dowladda.

“Waxaa la farayaa dhammaan mas’uuliyiinta hay’adaha kala duwan iyo warbaahinta inay sidaa u adeegsadaan marka ay qorayaan ama ka hadlayaan urur goboleedkan aan dhowaan ku biirney,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka dowladda.

Soomaaliya ayaa heshay codadka dhamaan dalalka ku jira ururkaan daba-yaaqadii bishii November, ayada oo xaflada saxiixitaanka ee ku biirista rasmiga ah ay dhawaan ka dhacday Madaxtooyada Uganda.

Sidoo kale waxaa isbedel lagu sameeyay qariiradda urur-goboleedkan, waxaanz lagu biiriyay qariiradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa sidaas ku noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga ah ee EAC.