Qaahira (Caasimada Online) – Dukumiintiyada Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday in weerarkii militariga ee saddex geesoodka ahaa ee Masar lagu qaaday 1956 uu aad uga weynaa kii lagu dhawaaqay xilligaas.
Sida ku cad dukumentiyada aan dib u eegista ku sameeynay, weerarku wuxuu ujeedkiisu ahaa in Masar dhaqaale ahaan iyo ciidan ahaanba lagu burburiyo, loona gogol xaaro nidaam cusub ka dib markii la afgambiyay taliskii Madaxweyne Gamal Abdel Nasser.
Bishii Luulyo 26, 1956, Nasser wuxuu qarameeyay Shirkadda Suez Canal.
Ingiriiska iyo Faransiiska oo ay Israa’iil ka qayb qaadanayso, ayaa kaga jawaabay weerar millatari oo loogu magac daray “Hawlgalka Habeenka”, kaas oo hadafkiisu ahaa in uu dib u soo celiyo kontoroolka caalamiga ah ee halbawlaha badda ee muhiimka u ah ee adduunka.
Dukumentiyada ayaa muujinaya in Maraykanku uu si qarsoodi ah ugu digay Ingiriiska iyo Faransiiska cawaaqibka ka dhalan kara dhaqdhaqaaq kasta oo ka dhan ah Masar.
Weerarka, oo ay Masaarida ku tilmaameen mid gardarro ah oo saddex geesood ah, ayaa la bilaabay 29-kii Oktoobar, 1956, inkastoo NATO ay ” Caro” u muujisay Ingiriiska.
Dukumentiyada ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee Ingiriiska ayaa muujinaya in qorshaynta weerarka Masar ay dhab ahaantii bilaabatay saddex maalmood ka dib go’aankii Naasir ee lagu qarameeyey Kanaalka Suweys.
Israa’iil oo dagaalka bilowday waxay diyaarisay qorshe u gaar ah oo loogu magac daray “Kadesh,” kaas oo ay ku qabsatay marinka Qaza ee markaasi hoos tagayay maamulka Masar, iyo gacanka Siinaay.
Faah-faahinta qorshaha weerarka
Sida laga soo xigtay warbixin sir ah, oo kaliya ay arkeen ciidamada sirdoonka, guddiga wadajirka ah ee Britain, ayaa shir ay yeesheen 30-kii July, waxay kaga hadleen u diyaar garowga dagaalka, iyadoo uu goobjoog ka ahaa General Sir Charles Keatley, taliyaha ciidamada isbahaysiga saddex geesoodka ah ee ka soo horjeeda Masar.
Warbixinta guddiga oo cinwaan looga dhigay “Warbixinta Guddiga Wadajirka ah ee Qorsheynta ee la xiriirta helista ciidamo ka dhan ah Masar” ayaa lagu sheegay in Wasaaradaha Dagaalka iyo Cirka ay “daraaseynayaan qaabkii lagu heli lahaa ragga lagama maarmaanka u ah in ay bilaabaan howlgal ay ku qabsanayaan Kanaalka Suweys iyada oo aan la ogaan”.
Ciidanka badda ayaa markaa “filayey inay awoodaan inay helaan ragga lagama maarmaanka ah iyaga oo aan wicin wax kayd ah.”
Ka sokoow ka hadalka qorshaha howlgalka ciidamada, ayaa waxaa ka hadlay taliyayaasha ciidamada.
- Suurtagalnimada in duqaynta hawada ay keeni karto khalkhal ku yimaada saadka saliidda
- Suurtagalnimada in wax kasta lagu sameeyo muddada gaaban si loo joojiyo biyaha Niilka.
Bartamihii bishii Oktoobar, Guddiga Shaqaalaha ee Boqortooyada Ingiriiska, oo ogolaansho ka helay Ciidanka Faransiiska, ayaa ansixiyay qorshaha lagu fulinayo hawlgalka milatari ee “Knight”.
Warbixin ay siiyeen xafiiska Ra’iisul wasaaraha, guddiga ayaa ku sheegay in qorshuhu yahay “in uu ku saleysan yahay fikradda weerarka cirka iyo dagaalka nafsaaniga ah oo ay la socdaan ugu yaraan khasaaraha rayidka ah”.
Waxaa la go’aamiyay in qorshahan loo fuliyo saddex marxaladood:
- Midka koowaad: baabi’inta ciidamada cirka Masar.
- Labaad: Weerar dhanka hawada ah oo uu wehliyo olole. Weerarka cirka waxa lagu jihaynayay bartilmaameedyo la soo xulay oo ujeedadu tahay in ay sababto khalkhal aan hore loo arag oo ah dhaqaalaha, niyadda, maamulka iyo ciidamada qalabka sida ee Masar iyo, ugu dambeyntii, in la burburiyo rabitaanka Masaarida ee iska caabinta.
- Seddexaad: In marka hore gacanta lagu dhigo dekedda Port Saciid, ka dibna la qabto aagga kanaalka, Ismaaciiliya iyo Abuu Suweyr, iyo u sii gudubka Tal al-Kabiir, Fayed, iyo Suweys.
Hogaamiyayaasha ciidamada marxaladan waxay cadeeyeen liiska goobaha barlimaameedyada muhiimka ah:
Kow: Saldhigyada Ciidanka,Ciidanka Cirka iyo Badda ee xaafadaha Qaahira, Alexandria, Port Saciid, iyo Suez, iyadoo ujeedadu tahay in jir ahaan loo burburiyo qaab dhismeedkooda urur, nidaamyo isgaarsiineed, iyo saldhigyadooda, iyo muujinta karti-darrada Ciidanka, Ciidanka Cirka. , iyo ciidamada badda ee dadka Masar.
Tan labaad: xarumaha shidaalka, dhuumaha shidaalka, iyo haamaha kaydka ee afarta magaalo ee waaweyn.
Seddexaad: Gaadiidka: Tareennada, oo ay ku jiraan waddooyinka, buundooyinka, meelaha ciriiriga ah, gawaarida dhulka, iyo xarumaha dawladda. Bartilmaameedyadan ayaa waxaa ka mid ahaa 17 gobol, maamul goboleedyada, degmooyinka iyo magaalooyinka Masar oo dhan, oo ay ku jirto Qaahira.
Afar: Xarumaha Korontada.
Shanaad: Ciidanka Masar ee Sinai, iyo meelaha la midka ah ee ay ku urursan yihiin oo ay fududahay in la weeraro. Tusaale ahaan, isgoysyada kanaalka, meelaha lagu uruuriyo hubka iyo gaadiidka, iyo difaacyada iyo ciidamada ku xeeran Dekedda Saciid.
Hadafka ugu horreeya wuxuu ahaa in la aamusiyo Radio Qaahira, oo lagu beddelo Raadiyaha Bariga Ingiriiska. Qorshaha aamusinta waxaa ka mid ahaa in la duqeeyo afarta xarumood ee Abu Zaabal, oo ay ku jiraan xarumaha Qaahira iyo Alexandria.
Marka loo eego qorshaha dagaalka, ujeedadu waxay ahayd “in la gooyo isgaarsiinta raadiyaha si loo jaro xiriirika u dhexeeya dawladda Masar iyo dunida kale.”
Isha: BBC Somali