DF oo go’aan kasoo saartay sida laga yeelayo xaasaska iyo caruurta Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa shaacisay in aan la bartilmaameedsan karin xaasaska iyo caruurta dadka ka tirsan Al-Shabaab.

Amarkaan oo si toos ah uga soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa waxa sidoo kale lagu faray in aan la dili karin qof aan dembi ku jirin ama isa-soo dhiiba.

“Ciidamada waxaan u sheegaynaa siyaasada dowladda, ninkii isdhiibiya waa in lasoo dhaweeya, xaaska iyo carruur loo nisbaynayo Al-Shabaab waa in aan la dili karin, haddii dambi aysan ku jirin,” ayuu yiri Afhayeenka wasaarada gaashaandhiga Soomaaliya, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Cali Caanood.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Maxaa yeelay dowlad baanu nahay, in aan cadowgaas naga qabsaday kasoo fujinaan doonaynaa.”

Sidoo kale waxa uu sheegay afhayeenku inay ka warqabaan in Al-Shabaab dhallinyaro badan ay qafaasheen si ay u galiyaan dagaalka ay dawladda kula jiraan, kuwaasi oo ugu baaqay inay isa-soo dhiibaan marka ay dagaalada usoo diraan.

Waxa uu ballan-qaaday isagoo ku hadlaya afka dowladda in ciidamadu ay si wanaagsan u soo dhaweyn doonaan dhalinyarada isa-soo dhiibta ee ay qaladay argagixsada.

Awaamiirtan ayaa imanaysa xili dhawaan uu guddoomiyaha gobolka Hiiraan uu soo jeediyay in la bartilmaameedsado qoysaska Al-Shabaab, si loo dareensiiyo dhibaatada ay kooxdaasi ku hayaan Shacabka.