DF oo mar kale garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ka xirtay Cabdalla Muumin

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururuka u dooda xuquda suxfiyiinta Soomaaliya ee Somali Journalists Syndicate ayaa sheegay in xoghayaha guud ee ururkaas Cabdalle Axmed Muumin ay mar kale qabteen ciidamada dawladda Soomaaliya.

War qoraal ah oo ay soo dhigeen barta twitter-ka ayey ku sheegeen in la qabtay isaga oo doonayey inuu ka baxo garoonka diyaaradaha Muqdisho, isagoo isku dayaya inuu siyaabo caafimaad u daado Nayroobi, Kenya.

SJS ayaa sheegtay inay cambaaraynayso tallaabadaas.

Wararka qaar ayaa sheegaya in amarka hadda lagu xeray weriye Cabdalle uu ka yimid taliyaha booliiska.

Cabdalle Axmed Mumin ayaa damiin lagu soo daayey maalintii Axadda kadib markii uu xirnaa tan iyo October 11-keedii.

Dawladda Soomaaliya ayaan weli dacwad kusoo oogin Cabdalle, inkasto xaakimka maxkamadda gobolka Banaadir uu dib u dhigay kiiskiisa muddo 45 maalmood ah. Sidoo kale dawladda Soomaaliya weli kama jawaabin hadalka SJS ee ah in dib loo qabtay Cabdalle Axmed Muumin.

Dhinaca kale, ururka suxufiyiinta caalamiga ah ee CPJ ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in mar kale la xiray Cabdalla, wuxuuna ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo.

“CPJ waxay aad uga niyad jabtay inay ogaatay in wariye iyo u doodaha xoriyadda saxaafadda Soomaaliyeed Cabdalle Axmed Muumin dib loogu xiray Muqdisho. Mas’uuliyiinta waa in ay si deg deg ah usii daayaan oo ay soo afjaraan dhibaateyntan,” ayaa lagu yiri qoraal uu ururka soo dhigay twitter-ka.