DF oo go’aan KMG ah ka qaadatay gaadiidka xamuulka ee waddooyinka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumada Federaalka ah ee Somalia ayaa shaaca ka qaaday in dhammaan gaadiidka xamuulka lagu xanibay Dekadda magaalada Muqdisho.

Maryan Aweys Jaamac oo ah Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Somalia, ayaa sheegtay in si KMG ah gaadiidka xamuulka ay ugu sii jiri doonaan Dekadda sababo la xiriira dareenka shacabka oo aad u kacsan.

Wasiirada ayaa sheegtay in ay ka fakarayaan habka ugu haboon ee Gaadiidka Dekada Muqdisho ka qaada xamuulka loogu fasixi lahaa magaalada, waxa ayna cadeysay in qorshaha ugu dhow uu noqon doono in xili gaara loo sameeyo.

Wasiirada ayaa sheegtay in shacabka magaalada ay aad uga naxsan yihiin musiibadii ka dhacday Isgooyska Zoobe, sidaa aawgeed aysan suuragal aheyn in gaadiidka xamuulka ah lagu fasaxo magaalada.

”Xukuumadu go’aan cad ayay ka qaadan doontaa qaabka ay gaadiidka xamuulka ah ku isticmaali karaan waddooyinka Muqdisho si looga badbaado halistooda”

Sidoo kale, Wasiirada waxa ay sheegtay in Shaqaalaha Dekedda ay si weyn uga qeyb qaadanayaan Gurmadka loo fidinaayo dadka dhibaateysan.

Dhinaca kale, waxaa hada socda gurmad kala duwan oo loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii 14-kii bishan maalin Sabti ah ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho kaa oo loo adeegsaday Gaari nooca weyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com