Jawaari oo shaaciyay sababta ka danbeysay baaqashada kulanka maanta ee BF

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya inuu baaqday kulanka Xildhibaanada baarlamaanka ee la filaayay in maanta looga doodo Qaraxii ka dhacay Isgooyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Baaqashada kulanka ayaa waxaa xaqiijiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Jawaari ayaa sheegay in kulanka maanta baaqday uu ahaa mid ahmiyad gaara lahaa, balse uusan qabsoomi doonin sababo la xiriira banaanbaxyo lagu wado in maanta uu ka dhaco Muqdisho.

Waxa uu Jawaari xaqiijiyay in ujeedka baaqashada kulanka uu yahay in shacabka Soomaaliyeed ay la qeybsanayaan murugada.

Xildhibaanada ayaa ka qeyb gali doono banaanbaxa kaas oo ka dhici doono meelo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, kumanaan Shacab ah ayaa ka qeyb Gali doona Banaanbax Duco ay oo loo sameynaayo dadkii Shacabkii ahaa lagu dhameeyay Qaraxii Zoobe ee dhacay 14-kii Bishaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com