DF oo goobaha qaraxyada ka mamnuucday gaadiidka gurmadka deg degga iyo qorshe yaab leh oo socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska gobolka Banaadir Saadaq John ayaa amaro cusub kusoo rogay gaadiidka gurmadka deg dega iyo guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in gaadiidka gurmadka deg dega ee Aamin Ambulance oo inta badan u gurman jiray dadka ku dhaawacma qaraxyada magaalada Muqdisho loo diiday inay tagaan goobaha qaraxyada ka dhacaan.

Qaar kamid ah Howlwadeenada Aamin Ambulance ayaa xaqiijiyay in dowladdu ay u diiday in qaraxyadda dhaca dadka ku wax yeelooba aysan u gurman karin ilaa amar ay ka siiyaan saraakiisha ciidamada ee goobta ku sugan.

Taliyaha ciidamada Booliska gobolka Banaadir ayaa la sheegay inuu amar ku siiyay taliyaasha saldhiga booliska ee gobolka Banaadir inaysan saxaafadda iyo gaadiidkaasi u ogolaan inay goobaha qaraxyada horey ka tagaan.

Lama shegein wax sabab ah oo loo mamnuucay Aamin Ambulance, hase yeeshee xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysay loogu diiday inaysan warbaahinta la wadaagaan xaqiiqada waxyeelada ka dhalata qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho.

Dhawaan taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Zakiya Xuseen oo saxaafadda la hadashay ayaa digniin siisay shacabka iyo warbaahinta, waxaana ay kaga digtay inay horey ka tagaan goobaha qaraxyada ay ka dhacaan.

Guddoomiyaha degmada Xamarjajab Ismaaciil Mukhtaar Cumar ayaa shaqo joojin lagu sameeyay kadib markii uu wariyaasha u ogolaaday inay duubtaan Muuqaalka qaraxii ugu dambeeyay ee ka dhacay albaabka Iskuul Baluuziyo.

Mamnuucista weriyayaasha iyo baabuurta gurmadka deg degga ah ayaa qeyb ka ah qorshe cusub oo dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso inay shacabka ka qariso xaqiiqda amni-darrada ka jirta Muqdisho, oo ay u muuqato inaysan waxba ka qaban karin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com