Dowlada Somalia oo heshiis la gashay Shirkad cusub oo laga leeyahay dalka Turkiga (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan Dekada Somalia laga soo dajiyo Badeeco isugu jirta kuwo dhacay iyo kuwo wanaagsan ayaa waxaa arrintaasi kulan ka yeeshay DF Somalia iyo Shirkad turki ah.

DF Somalia ayaa Shirkad laga leeyahay dalka Turkey kula heshiisay inay ilaaliso Tayada Badeecadaha la keeno dalka Somalia, waxa ayna ka hortageysaa shirkadaasi badeecadaha kala soo dega Dekada.

Heshiiskaani cusub ayaa waxaa watay Wasiirka Wasaaradda Warshadaha iyo Ganacsiga DF Somalia C/raxmaan Cabdi Cusmaan, waxa uuna heshiiskaasi la saxiixday Madaxa Shirkadda PGM, waxaana Munaasabadda Heshiiskaasi goobjoog ka ahaa Danjiraha Turkey ee Somalia Olgan Bekar.

Shirkadda PGM oo iminka Xafiisyo ku leh Dekada iyo Garoonka Aadan Cadde ayaa waxa uu qandaraaskeedu soconayaa dhowr sano.

Mr Olgan Bekar oo ah Danjiraha Turkiga u fadhiya Somalia, ayaa kulankaasi ka sheegay in himiladoodu tahay inay ka garab-muuqdan DF Somalia dhan waliba inta laga gaarayo koboca dowlada oo aan iminka isku filneyn.

Waxa uu carabka ku dhuftay in Shirkada PGM ay waxa badan ka qaban doonto Tayo-dhowrka dalka.

Dhanka kale, Heshiiskaani ayaa waxa uu dhabha u xaarayaa heshiisyo hor leh oo dhawaan ay si rasmi ah u wadaagi doonaan Wasaaradaha DF Somalia iyo kuwa dalka Turkiga.

Inta badan DF Somalia ayaa dhowrkii bilba isbedel ku sameysa xukuumada, waxaana suuragal ah in heshiiskaasi uu burburo bacdamaa DF aysan laheyn keydka Dukumiintiyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com