Beelo kale oo isaga baxay shirka Cadaado (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – War hada soo dhacay ayaa sheegaya in Beelo qeyb ka ah Shirka ka socda Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb ay isaga baxeen shirka xili uu maraayo heer gabo gabo ah.

Wararku waxa ay sheegayaan in qaar ka mid ah Odayaasha matalaaya Beelaha ka qeybgalaya Shirka Maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud ayaa ka cabanaya hanaanka awood qeybsiga Ergada Shirka, waxa ayna tilmaameen in si KMG ah ay shirka uga sii maqnaan doonaan ilaa laga helo Cadaalad.

Nabadoon Cawil Cabdi Jaamac oo ka mid ah ka qeybgalayasha Shirka ayaa sheegay in Ergada Shirka aan lagu qeybin nidaam cadaalad ah, taasi oo uu sheegay inay meesha ka saari karto in wax xalaal ah ay kasoo baxaan Shirka oo la isku waafaqsan yahay.

Cawil Cabdi Jaamac oo ka mid ah Odayaasha Beesha Sade, ayaa sheegay in ay ka baxeen Shirka Cadaado, isaga oo sheegay in uu socon karin Shirka, iyada oo aan la saxin qaladaadka jira, waxa uu meesha ka saaray inay jiraan Odayaal matala beeshiisa oo qeyb ka ah Shirka.

Waxa uu aad u dhaliilay Gudiyada loo xil saaray arrimaha shirka oo uu ugu horeeyo Guddiga farsamada Maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud, waxa uuna tilmaamay in ay diyaar u yihiin xalinta khilaafyada balse aysan diyaar u aheyn luqaafo iyo isdabamaris.

Geesta kale isaga bixitaanka Shirka ayaa imaanaya iyadoo muddo kooban uu ka harsan yahay shirka, waxaana cabsi laga qabaa in beelaha kale ay shirkaasi ka baxaan bacdamaa la joogo xili gabogabo uu yahay shirka.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in odayaasha beesha Sade oo dhowr goor shirka isaga baxaya ay xiriir la lee yihiin maamulka Puntland, ayna qeyb ka yihiin dadaallo qarsoon oo shirka lagu fashilinayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com