XASAN oo la siiyey 10 million oo dollar oo kaash

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qatar oo ka mid ah Wadamada Carbeed ee taageerada ugu ballaaran siiya Dowladda Federalka Somaliya, ayaa waxay xilligan ugu yaboohday lacag dhan 10 milyan oo dollarka Mareykanka ah.

Dowladda Somaliya, ayaa waxaa lacagahan lagu wareejiyay maalintii Jimcaha, mar uu booqasho Magaalada Muqdisho uu ku yimid Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, Khalid bin Mohammad Al Attiyah.

Wasiirka, ayaa kulan gaar ah Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha kula qaatay Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia, halkaasoo lacagaha loogu wareejiyay Madaxda Dowladda. Lacagahan waxaa loogu talla galay in wax looga qabto arrimaha ammaanka, caafimaadka iyo in lagu kaabo dhaqaalaha Dowladda.

Ilo lagu kalsoonaan karo, ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar uu Madaxda Dowladdu u sheegay, in markale uu soo booqan doono Magaalada Muqdisho, isla-markaana ay Xukuumadda Doha sii wadi doonto taageeradeeda ku aadan Somaliya.

Dowladda Qatar, ayaa waxaa lagu xantaa inay iyadu ka dambeysay in doorashada madaxtinimada dalka uu ku guuleysto Xasan Sheekh Maxamuud, markii ay ku taageertay lacag dhan 5 milyan oo lacagta Mareykanka ah.

Arrinta dhibka leh ayaa ah in lacagta si kaash ah loo siiyey madaxweynaha, oo aanay meelna uga jirin xisaabaadka dowladda, taasi oo u sahleysa Xasan Sheekh inuu si shaqsi ah u qaato, oo aanay jirin cid kula xisaabtameysa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com