Xog: Xasan & CC oo afduubay mooshinka Jubba

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka helnay Xarunta Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan iyo Ra’isul wasaare Cumar ay digniino kasoo saareen mooshinka ka dhanka ah baarlamaanka Jubba ee ka socda xarunta baarlamanka Soomalaiya.

Labada Mas’uul ayaa siyaabo kala duwan Xafiisyadooda ugu qaabilay Xildhibaanada BF Somalia, gaar ahaan kuwa wada mooshinka ka dhanka ah Baarlamaanka Jubba, waxayna kala hadleen in DF Somalia aysan aqbali doonin in Xildhibaanada ay ka qeybqaatan qalqal galinta maamulka Axmed Madoobe.

Waxa ay kaga digeen in Mooshinka uu sabab u noqdo Khilaafyo hor leh oo ka dhex dhasha Xukuumada, BF iyo Maamul Goboleedyada dalka.

Ra’isul wasaare Cumar oo isagu aad uga careysnaa wararka kasoo kala baxay Jubbaland iyo Puntland, ayaa waxa uu Xildhibaanada u sheegay in buuqa mooshinkaasi uu saameyn ku yeeshay Xafiiskiisa iyo kan Madaxweynaha.

Waxa ay si wada jir ah uga codsadeen inay feejignaan dhanka Siyaasada ah ka muujiyaan Mooshinka hada socda, waxa ayna si dadban ugu cadeeyeen in mooshinka ay bur-burin doonaan.

Xildhibaanadu inta uu kulanka socday kama aysan bixin wax jawaab ah Codsiyadaasi oo muujin kara diidmo iyo ogolaansho, balse waxaa lasoo warinayaa inay cadeeyeen in mowqifkoodu yahay Cadaalad iyo tix-raaca nidaamka dastuurka dalka.

Kulankaani ayaa waxa uu noqonayaa kulankii labaad oo Xildhibaanada Mooshinka wada siyaabo kala duwan ay ula qaateen Madaxweyne Xasan iyo Cumar C/rashiid.

Si kastaba ha ahaatee, kulamadaani is xigxiga ayaa waxa uu imaanayaa xili Hogaamiyaha Maamulka Jubba uu DF Somalia ugu goodiyay inay kalsoonida kala laaban doono DF, waa hadii uu hirgalo Mooshinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com