Xog: Garaad Jamac Garaad Cali oo sheegay sirta ka dambeysa shirka beelaha PUNTLAND (AQRI)!!

Sool (Caasimada Online) – Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah garaadka guud ee deegaanada Khaatuma oo warbaahinta deegaankaasi la hadlay ayaa ka hadlay arimo dhowr ah.

Garaad Jaamac, ayaa ugu horeyn ka hadlay shirka maamulka Puntland qorsheynayo uu ku qaanayo magaalada Gaalkacyo, kaasi oo ay ka qeyb galayaan isimada Puntland.

Wuxuu sheegay in shirkaasi uu yahay mid ka hor imaanaya jiritaanka maamulka Khaatuma, isagoo sheegay inuu abuurayo burburinta maamulkaasi.

Dhankiisa ayuu sheegay ineysan marnaba ku fakarin burburinta maamulka Puntland, laakiin maamulkaasi uu wado sida uu sheegay in maamulka Khaatuma uu burburo.

Dhanka kale wuxuu soo hadal qaaday qaabka kaliya oo ay ku wada hadli karaan Khaatuma iyo Somaliland.

Ugu horeyn wuxuu sheegay iney ku wada hadli karaan qaab qabiil ahaan, iyadoo laga eegayo beelaha kala daga deegaanada maamuladaasi ka dhisan yihiin.

Wuxuu ugu dambeyn soo jeediyay in qaab maamulo ahaan ay u wada hadli karaan labada dhinac, taasina lagu gaari karo dhameynta khilaafaadka u dhaxeeyo labada maamul.

Caasimada Online
Xafiiska Sool
Caasimada@live.com