Daawo video: Dagaalyahan ka tirsan Daacish oo Skype ku shukaaminaya gabar yar + Xeeladihiisa

Edmonton (Caasimada Online) – Wiil dhalinyaro ah una dhashay dalka Britain, ayaa waxa uu ka mid yahay ururka Daacish ee ka dagaalama Syria iyo Iraq, waxaana laga duubay muuqaal isagoo aalada SKYPE-ga ku shukaaminaya Gabar 15 sano jir ah oo ku sugan dalka Canada, si ay ugu soo biirto ururka uu ka tirsan yahay.

Wiilkan oo la baxay magac been ah (Abuu Antar) ayaa Gabadha waxa uu u sheegayaa ineey kasoo tagto reerkeeda islamarkaasna ay u soo safarto Syria si uu u guursado ugana garab dagaalanto.

Wiilkan ayaa Gabadha mudo isbuucyo ah waxa uu ka shukaaminayay dhanka SKYPE-ka, waxana uuna ka dhaadhacsiinayaa ineey soo safarto oo ay soo gaarto Syria. Gabadha ayaa ah mid iska dhigeysa inay rabto inay ku biirto ISIS, balse la shaqeeneysa dowladda Canada

Halkan ka daawo muuqaalka: