Beelaha dega Hiiraan oo war la yaab leh sheegay

Kulan balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen golaha badbaadinta iyo samatabixinta gobolka Hiiraan ayaa lagu qabtay galbeedka Magaalada London, iyada oo ay ka qayb galeen inta badan beelaha dega gobolkaasi wakiilo ka socda.

War qoraal ah oo laga soo saaray kulanka ayaa looga digay cid kasta oo isku dayda inay carqaladeyso midowga gobolada Hiiraan iyo shabeelaha dhexe maamulka loo dhisayo, iyada oo loogu baaqay beelaha dega Hiraan inay ka qayb galaan shirka dib u heshiisinta beelaha ee lagu qaban doono galbeedka Beledweyne dhawaan, iyada oo loogu baaqay beesha xawaadle ee wax ka degta bariga magaalada inay qayb ka noqoto shirkaas oo ay u hogaansato talada beelaha kale ee dega gobolka ay ku doonayaan inay lamidoobaan Shabeelaha dhexe oo ay maamulna la dhistaan.

Guddoomiyaha 13 beel oo degta Hiraan mudane Abdulqaadir Arab oo shirka ka hadlay ayaa ugu baaqay reer Hiiraan in ay ka tashtan aayahoda, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aan beel gaar ah laga yeeleyn siyaasiyiintooda oo dana ka leh ama gorgortan kula jira dowladda dhexe inay afduubaan hanka gobolka iyo dhismaha maamul goboleed ay yeeshaan labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelada dhexe, wuxuuna sidoo kale cadeeyey inay taageersan yihiin dadaalka ay hormuudka ka tahay dowladda federaalka Soomaaliya ee lagu doonayo dhismaha dowlad goboleedkaas, sidoo kalena ay soo dhaweynayaan dadaal kasta oo dalalka derisku ay ka galayaan gobolka Hiiraan oo in muddo ah dib u dhac dhanka maamulka ay ka jirta.

Dhinaca kalena Cismaan Qoox oo ka mid ah xubnihii shirka ka hadlay ayaa carabka ku adkeeyey in Hiiraan aysaaysan sinaba uga maarmin gobolka Shabeelaha dhexe oo dekad iyo kheyraad nuuc kasta leh oo dhaqaalaha dowlad goboleedka lagu socodsiin lahaa uu ka imaanayo, isaga oo uga digay dadka aaminsan inaan lala midoobin inay cadow ku yihiin horumarka reer hiiraan.

Ifraax Cumar Salaad oo kamid ah siyaasiyiinta ku nool London kana mid ahayd xubnihi ka hadlay shirka ayaa ugu baaqdey beelaha dega gobolka inay aayaha ubadkooda iyo mustaqbalka gobolka ay fiiriyaan, kana tashtaan dhismaha maamulkooda, iyada oo lagu jiro bey tiri xilligii runta la isku sheegi lahaa. Shirkan ayaa yimid kadib marki siyaasiyiin kasoo jeeda beesha Xawaadle ee kamid ah beelaha dega gobolka oo uu kamid yahay wasiirkii hore arrimaha gudaha Cabdullahi Goodax Barre ay isku dayeen inay wax kama jiraan kasoo qaadaan go’aanka inta badan beelaha dega gobolka, iyaga oo gorgortan siyaasadeed ugaar ah inay la galaan raba dowladda dhexe ee dalka.

By Xafiiska Caasimada London Uk