Mooshinka Jubaland oo khilaaf xooggan ka dhex dhaliyay 2-da gole ee maamulka Puntland (XOG)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Garowe, ayaa sheegaya in Khilaaf adag uu xiligaani ka dhex taagan yahay Labada gole ee xukuumada iyo Baarlamaanka Puntland.

Khilaafka labada gole ayaa salka ku hayo Mooshinka laga gudbiyay Maamulka Jubba, kadib markii Baarlamaanka Puntland uu xukuumada uga digay inay faro ku yeelato buuqa ka taagan Mooshinka laga gudbiyay Baarlamaanka Jubba ee iminka horyal BF Somalia.

Inta badan Xildhibaanada Puntland ayaa iyagu ah kuwa taageersan Maamulka Jubba, balse kaso horjeeda inay faragaalin ku sameeyan xurgufta ka dexeysa DF iyo Jubba.

Sidoo kale, Xukuumada C/weli Gaas, ayaa iyagu siyaabo kala duwan uga hadashay mowqifkeeda ku aadan Mooshinka Jubba, waxa ayna taasi horseeday khilaafka labada gole ee Puntland.

Waraar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Xildhibaanada ay warqad qoraal ah u gudbiyeen MadaxweynahaPuntland taasi oo la sheegay inay uga dalbanayeen inuu faraha kala baxo Khilaafka.

Madaxweyne Gaas ayaa isagu horay u cadeeyay inuu kasoo horjeedo go’aanada BF Somalia waxa uuna ku tilmaamay mid xaraan ah.

Khilaafka BF iyo Jubba ayaa laga cabsi qabaa inuu faraha kasii baxo waxaana suuragal ah in Madaxweyne Xassan uu socdaal qarsoodi ah ku kala bixiyo Magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe, sida laga soo xigtay Mas’uuliyiin labada maamul ka kala tirsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com